HomeEdaabta Bisha Ramadaan - Qalinka Khadar Dirir

Edaabta Bisha Ramadaan – Qalinka Khadar Dirir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan inyar kaga hadli doona bisha ramadaan ee ilaahay inugu faral yeelay inaynu soono.

 

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadkeedda iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiinta la  xidh-xidho.

 

Bisha Ramadaan ee caawa innoo bilatay waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada.

 

Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaanna watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo af-xidhnaado Illaahay dartii oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo denbiga kale oo dhan oo lagu koobnaado qur’aan karin, isu-naxariisasho, is-caawin iyo badashadda cibaadada iyo xuska iyo xusuusnaanta rabbi.

 

Cibaadadu waata Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa “Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.”

 

Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo “Waxad tidhaahdaa(Nebi Allow), salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma lahe, sidaas ayaa  layna amray, waxaanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.

 

Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka, waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxnna qofku isu af-xidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo hadaladda laq-wigga ah oo dhan baa wuu ka tagayaa.

 

Alle gefafka aynu ka galnay waa inaga dhaafi karaa, laakiin, gefafka aynu iska galnay way adag tahay in la inaga dhaafo ilaa qofkii aad ka gashay ku cafiyo.

 

Alle waxaynu ka baryeynaa inuu innagu simmo gudashaddeeda iyo dhammaystirkeedda, awoodiisanna innoogu dembi dhaafo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories