HomeDuuliye ka tirsan Ciidamada Cirka Sucuudiga oo loo xidhay Duqeynta Kooxda DAACISH...

Duuliye ka tirsan Ciidamada Cirka Sucuudiga oo loo xidhay Duqeynta Kooxda DAACISH oo uu diiday inuu ka qayb-qaato

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jeddah (SLpost)- Duuliye-sare oo ka tirsan Ciidamada Cirka boqortooyada Sucuudiga, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu diiday inuu ka qayb-qaato duqeynta ay diyaaradaha Xulafada Reer Galbeedka iyo Carabtu ku hayaan Xoogagga dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (DAACISH) goobaha ay kaga sugan yihiin waddanka Suuriya.

Sida lagu baahiyey bogagga Bulshadu ku kulanto, sarkaalka Ciidamada Cirka Sucuudiga ka tirsan oo lagu magacaabo Kabtan Faysal Al-Ghamdi, ayaa lagu eedeeyey inuu taageersan yahay Kooxaha Xagjirka ah ka dib markii uu diiday inuu ka qayb-qaato Diyaaradaha Sucuudiga ee ka qayb-qaadanaya duqeynta cirka ee lagu bartilmaameedsanayo deegaannada ay Kooxda DAACISH kaga sugan tahay Woqooyiga dalka Suuriya oo ay xoog ku leeyihiin.

DUULIYE SUCUUDIWarkan ayaa lagu baahiyey bogag Facebook iyo Twitter ah oo ay leeyihiin dadka taageera kooxda ISIS, waxaana soo xigtay dadka u dhaq-dhaqaaqa taageerooda ee ku dhaqan waddanka Sucuudiga, taas oo sii xoojisay tuhunno markii hore laga qabay taageero ay boqortooyada Sucuudigu siiso kooxaha Xag-jirka ah.

Haseyeeshee, dawladda sucuudu kama hadal jiritaanka warkan, sidoo kalena Kooxaha warkan faafiyey ma shaacin sawirka iyo aqoonsiga askariga la sheegay in la xidhay.

Dawladda Sucuudiga, ayaa ka mid ah waddamada Carbeed ee taageerada dhaqaale ku caawin jiray Mucaaradka ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Suuriya si ay u ridaan dawladaha labada waddan.

Balse waxa lama filaan noqotay, ka dib markii dawladda Sucuudigu ay dhowaan ogolaatay inay ka mid noqoto isbahaysiga la dagaalamaya kooxda ISIS oo waddamada reer Galbeedku u arkaan inay khatar ku yihiin amniga iyo xasiloonida adduunka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories