HomeDuuliye Axmed Dheere iyo Xaquuqda Aadamaha - Qalinkii Aadam Muuse Jibriil

Duuliye Axmed Dheere iyo Xaquuqda Aadamaha – Qalinkii Aadam Muuse Jibriil

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blank
Aadan Muuse Jibriil

Xuquuqda Aadamahu waxay ka kooban tahay mabaad’i dhawr ah oon sina u kala go’i Karin, oo dhammaantood ka dhashay xaqa Adamuhu u leeyahay nolosha, iyo kuwa kale ee ku xidhan nolosha, sida xuquuqda siyaasadda, tan dhaqaalaha, tan milikiyada ama wax-lahaansha, xurruyad-qawlka iyo qoraalka IWM. Dagaalada loo soo galay xuquuqda Aadamaha oo leh soo-yaal dheer sidii loo soo dhacsan lahaa oo loo soo maray dagaalo badan waqtiyo kala duwan. Kuwaasoo lagu bixiyey diig qaali ah, maal iyo waqti badan.Dagaaladaasu waxay u kala qaybsanaayeen saddex nnoc iyo saddex marxaladood. Laga soo bilaabo halgankii loo soo galay sidii Addoonsigii tooska ahaa oo qof adoonsanayey qof Aadame ah oo la mid ah, kaas oo qaatay muddo kumanaansano ah sidii looga xoroobi lahaa. Waxaa ku xigey halgankii loo soo galay sidii gumaysiga noocyadiisa kala duwan looga xoroobo (Declonialization Struggal). Waxaa ku xigey Halggankii Dheeraa ee dadka reer Africa la soo Galeen talisyadii Digtaatooriga ahaa; sida: Baydal Bukaasa, Mubuto, Iidi Amiin, Mangistu Hayle Maryam, iyo Maxamed Siyad Barre.

Intaas oo dagaalo ah waxaa nuxurkoodu ahaa in xuquuqda maqan la soo dhiciyo, waxayna ku suntanyihiin yihiin dagaalo xaq ah, halka dagaallada dhinaca kale ee keli talisyadu, sida kii Siyaad Barre ku xasuugayey dadka Somaliyeed, waxay ku suntanyihiin dagaalo xaq darro.

Haddaba, Duuliye Axmed Dheere markii uu go’aanka ku qaatay in uu naftiisa u huro una sadaqeeyo xuquuda Dumarkii, Caruurtii iyo waayeelkii lagu xasuuqayey halkan Hargeysa waxuu qaatay go’aan u hiilinaya mabda’a xuquuqda Aadamaha (Universal Human Rights’).

Waxaase qiimo gaara leh in aynu ileyska ku daarro dareenka ka turjumaya heerka koritaanka dadka Somalida in uu ka soo bixi karo Duuliye Axmed Dheere oo kale.

Arrinkaas ooy ka muuqaday go’aanka uu qaadhay iyo sida uu uga duwan yahay boqollaad ama kumanaan qof oo kale oo ka soo jeeda goblada Somalida kale.

Kuwaas oo xukunii keli-taliska ahaa ku maran habaabiyey reernimo si uu xukunka u sii jeego. Ujeedada taliskii Siyad Barre waxay ahayd ‘Qaybi oo Xukun’. Go’aanka Duuliye Axmed Dheere qaatay waxuu tusayaa in uu yahay qof ka koray heerka caadiga ah ee qabiilka.

Haddaba, waxaa laga baran karaa tusaalaha uu dhigay Duuliye Axmed Dheere arrimahan soo socda:

I. In wax kasta oo Siyad Barre isku deyey in uu garaadka Somalinimada burburiyo oo ku beddelo mid reernimo asaga ugu hiiliya in haddana ay jiraab Somalinimo weli nooli.

II. In dadka Somalida dexdooda ay jiraan dad u taagan Somalinimada, iyo wanaagga, Dimoqorqqdiyada, iyo Xuquuda Adamaha

III. In sidaas darteed loo baahan yahay in Somaliland, dawlad ahaan, dadweyne ahaan, iyo warbaahin ahaan, si wayn oo caddayno in dadweynaha Somalida iyo kooxaha siyasaddu noo kala duwn yihiin. Dadweynahuna Somaliyeedna aanu wada denbiil ahayn, ee cidda denbiilaha ayhi ay yihiin cidda weile difaacaysa talikii Xasuuqa iyo burburinta xadaaradii ka dhisnay Somaliland, dad iyo duuyoba dhulka la simay.

IV. In maanta laga bilaabo Duuliye Axmed dheere loo aqoonsado halyeyga Xuquuda dhammaan Aadamaha Aduunka.

V. In Magaciisa aynu, haddaynu nahay bulshada Rayidka Somaliland ku dhisno Ha’yda Xuquuqda Aadamaha oo Caalamiga Duuliye Axmed dheere.

 

Aadam Muuse Jibriil

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories