HomeDuulimaadyadii Muqdisho Oo Baaqday iyo Amaniga Madaarka Aadan Cade Oo Khalkhal Galay...

Duulimaadyadii Muqdisho Oo Baaqday iyo Amaniga Madaarka Aadan Cade Oo Khalkhal Galay Kadib Qaraxii Diyaarada Daalo Soo Gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Muqdisho(SLpost) Diyaaradihii Caalamiga ahaa ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalad Muqdisho imaan jiray ayaa intooda badan maanta baaqday, kaddib qarax shalay ka dhex dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airlines, taasoo baadhitaankedi uu weli socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda Turkish Airlines oo joogo u imaan jirtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho maalin kasta ayaan iman saddexdii casho ee lasoo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn illaa sababta ay Duullimaadyadii ay maalin walba ku imaan jirtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay u joojisay.

DAALLO2

Sidoo kale, Wararka intaas ku daraya in diyaaraddii Daallo Airlines ee shalay uu ka dhacay Qaraxa ay wadday Rakaab ay Qaadi lahayd Turkish Airlines si ay Jabuuti uga sii Qaaddo, iyadoo saraakiisha Waaxda duulistaSoomaaliya ay sheegeen in aysan ogeyn sababta ay ku maqan tahay Turkish Airlines.

Agaasimaha Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Duulista Somalia, C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay inay weli socdaan baadhitaanno ku saabsan shilkii shalay qabsaday diyaaraddii Daallo Airlines, muddo dhowna ay soo saarayaan warbixin ku saabsan shilkii dhacay.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in baadhitaanka shilkan ay wadaan khuburo dowladda Somalia ka tirsan iyo hay’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya, iyadooo baadhitaanka lagu sameynayo diyaaradda, qofkii ka dhacay iyo weliba waxyaabo kale oo la xidhiidha baarista.

Diyaaradaha aan Maanta soo cago-dhigan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah; Jubba Airweys, marka laga reebo Diyaarad yar oo ka Timid Hargeysa, Diyaaradda Daallo Airlines iyo diyaarado kale, laakiin waxaa timid diyaaradda 540 oo ka mid ah kuwa caalamiga ah.

Inkastoo hay’adaha amniga DF Soomaaliya aysan weli kasoo saarin warbixin dhameystiran Shilkii ka dhacay Gudaha Diyaaradaha Daallo Airlines ee dib ugu soo laabtay Muqdisho; ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan inuu ahaa shilku uu ahaa mid qarax ah oo gudaha diyaaradda ka dhacay.

Ugu dambeyn, Ruux ka dhacay Diyaaradda oo Rakaabka ka mid ahaa ayaa laga soo helay Meydkiisa meel ku dhow degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo la sheegay inuu Fadhiyay Qaybta uu Qaraxu ka dhacay, Waxaana Meydkiisa lasoo Gaadhsiiyay Muqdisho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories