HomeDuul Wada Siyaasi Ah – W/Q: Khadar Maxamed

Duul Wada Siyaasi Ah – W/Q: Khadar Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Rag siyaasi wada noqoy
wada furay silsiladaha
hadba taanu suurayn
Yidhi anigu aan saxo “ Hadraawi”

Bulshada Somaliland waxaa lagu qiyaasaa tiro ahaan 3.5 million ku dhawaad 75% ayaa dhalinyaro ah waa wax alle loogu mahadnaqo tirade intaa leeg haday ka yihiin bulshadii waayo waxay kuu bildhaaminaysaa wadan cududa intaa leeg oo da, yar ah leh sida uu mustaqbalkiisu u iftiimayo way tahay oo way ahaan jirtay hadana wax jiraa ma jiraan, sababta ma is waydiisay? Marka laga imaado inta yar ee u shaqaysa ururada caalamaga (INGOs) ah ama ku maxaliga(LNGOs), hay,adaha qaramada midoobay, iskood isku shaqaalaysiiyay iyo xafiisyada dawlada ,dhalinyarada Somaliland waxaa si aan dheeli tirnayn u qaybsaday labada gumayste ee kala ah gumaystaha ganacsadaha ‘adoonsiga jalka iyo jeebka’ iyo gumaystaha siyaasida ‘adoonsiga maanka iyo mooraalka’ oo aad moodayso inuu gumaysataha siyaasadu ka sadbarsuday kan ganacsadaha Daraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dhalinyarada somalialnd 25% ay shaqeeyaan xaga 75% ay shaqo la,an yihiin waxaan u macnaystay in inta shaqala,aanta ahi ay si dadban ugu rahman yihiin siyaasiga oo galinka hore maalin kasta ay ugu shaqeeyaan xafiisyada fadhi ku dirirka ah ee ku dhex yaala hay,adaha shoomeerka iyo shaqale la,aanta ‘Bureau de chômeurs’  ku waas oo aan wax xaq iyo xuquuq ah  dan nololeed iyo dhaqaale toona ka dheefin ee iyaga oo duhurkii labada qowl ka xumbaynaya ka soo rawaxaan fadhi-ku-dirirka waaba maalintuu ugu hawsha yar yahay haddiiba aanay dhicin in uu madaxa fulinta ka noqdo mashruuc ay mucaaridku soo qaateen oo ah mudaharaad la iskuugu soo baxo ama se aanu si baraad la,aan ah laamiyada ugu  sagootin ama soo dhawayn madaxeed sidii caadad inoo ahayd oo dhalinayaradu laga dhigto salaankii lagu gaadhi lahaa kursiga oo maalinaba ninka kursiga  doonayaa adeegsado..

Hadaba waxaa aan intaa ugu socodaa bulshada Somaliland rag iyo dumaraba, dhalinyaro iyo wayeelaba umadda Somaliland ay wadda noqotey wadda siyaasi iyadoo marka aad suuqa iyo meelaha bulshadu iskugu timaado  dadka ku hadal hayaan siyaasad oo kii aqoonta lahaa iyo kii bilaa aqoonta ahaa isku  si uga wadda  hadalayaan oo hadii aad dhegaysato uu ka waramayo siyaasada arrimaha gudaha, maaliyada, arrimaha bulshada iyo dibadaba  hadii aad wakhti aad u hesho  oo aad sii dhegaysato waxuu kuugu dari siyaasada geeska hadii aad la sii taaganatanan ta caalamka oo wuxuu kaaga warami siyaasada aqalka cad ee maraykan ka.

Hadaba waxaa is waydiin leh waa maxay wax dadka badan kooda ugu wacan in ay ka wadda hadalanaan siyaasada? Hadii ayanu ku noqono dhaqan keeni hore ee soomaalida ayaa markii hore isaga sameysanaa umada hadalka wax iskugu gudbisa oo “Oral society”  markii magaalada iyo libaxanimadii in soo gaadhaye  ee dadkii magaalooyinkii soo galine waxaa naqotey intii bilaa camalka ahayed ee suuqayada iskugu imanaye saye in maalin oo dhan ka hadalaan siyaasada sidaana ay ku noqodaan waxaa loo yaqaano “ political analysis”  hadaba siyaasi qofku goorama ayuu noqon karaa ama  side ayanu u naqaan siyaasi marka la joogo somalliland waxaa siyaasi u naqaana marka Somaliland la joogo nin walaba oo arrimaha siyaasada ka hadala ama xilka ka qabata xukuumaddaha ina soo mara waxaad  arkeysaa nin agaasime waaxad ah ama degmo ka maamul ah” Head districts” oo is xoojenaya oo  maalintii xilka loo dhiibaye isku qaatey in uu yahaye xiligaa laga bilaabo siyaasi, oo luuqadii uu ku hadali jirey bedelaye,socodkii iyo hab dhaqankii oo dhan ee uu lahaa ninkan xilka loo dhiibaye ma garanayo cida uu xilka u qaadaye iyo wax uu masuulka ka yahaye ma oga in dadkan meesha ku dhaqan ma xafiiska jooga in uu shaqaale u yahaye oo hawal fududeeye yahaye.

Hadaba waxaa loo baahan yahaye in dadka la jiheeyo oo aanaye siyaasada ku wadda mashaquulin waaayo waxaa hoos u dhac ku imanayaa horumarka Somaliland hiig sanaye so waayo waxaad meel walaba laga hadalaya siyaasad, dadkuna  waxaa loo baahan yahaye in dantooda raacan oo dadka siyaasad ayanu u dirsanaye lagu ixtiraama oo maalinba ninka midida daabkeeda haya lagu qadariyo.

dhalinyarada seegseegu waa, saaca waayah
markii camal la siin waayaybay, suuqa tubanyiiin’  
Saxansaxo, Gaariye

Khadar Mohamed

khadar_aar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories