HomeDuufaanta Siyaasadeed ee ku Dhufatay Xisbiyadu Waa Mid Gacani ka Dambayso …

Duufaanta Siyaasadeed ee ku Dhufatay Xisbiyadu Waa Mid Gacani ka Dambayso …

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Siyaasada dalka ka jira waa mid maraysa meeshii ugu xumayd abid, taas oo wax qabadkii iyo hawlihii shaqo ee dawlada hoos u dhigtay, waxa baryahan socda duufaan aad u adag oo ku dhufatay  xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadkaba , waxaana sabab u ah shaqsiyaad iyo dad doonaya in ay Somaliland god madaw dib u gasho.

Iyadoo duufaantaa siyaasadeed jirto  oo aanay cidina fahan sanayn ayaa Waxaa la ilaabay dhalintii iyo horumarkoodii, waxa la ilaabay citiraaf raadintii, waxa la ilaabay  horumarkii dalka ee la gaadhsiin lahaa,

 

 

waxaana la doonayaa in wadanka la baabiiyo, oo qofkastaaba wuxuu u ordayaa  dan gaara , waxaana la isticmaalayaa kalmada ANiga taas oo siyaasiga sidiiba ka  mamnuuc ah, waxa meesha ka baxay kalmada Inaga oo ah kalmad siyaasi ah kuna tusaysa inaad bulsho wax la rabto, runtii  hadaad siyaasi tahay waxaad u socotaa waa bulsho iyo qaran waxaanad markasta wadataa taageerayaal siyaasiyiin iyo  bulshaba leh, markaa waxaad isticmaashaa kalmada inaga oo ah  dad ,dal iyo dhulba.

Duufaanta siyaasadeed ee ka bilaabantay Kulmiye kuna dhamaan doonta WADANI waa mid ay ka danbeeyaan shaqsiyaad dabada ku haya dawlada aanu jaarna nahay ee SOMALIA, waana mashruuc ay ka dambeeyaan shaqsiyaad gaara oo lacag, aan xad lahayn qaatay, taas oo ilaa hada lagu daba jiro , taas oo banaanka iman doonta wakhti dhaw.

Maxaa laynooga baahan yahay bulsha ahaan

Waxa laynooga baahan yahay, inaynu noqono dad dantooda yaqaan, inaynu noqono dawlad  dhalintooda shaqo abuur u samaysa kana saarta mashquulka siyaasadeed, inaynu noqono dawlad xooga saarta ka midho dhalinta aqoonsi raadinta, adkaynta xidhiidhka caalamiga ah iyo wadamada jaarka ahba.

Aqoonsi in la raadiyo waxa ka muhiimsan in wadanka la dhiso oo siyaasada la dhiso , oo waxqabad iyo horumar la arkayaba la gaadho , oo wax soosaar la sameeyo, si baahida caalamku inoogu timaado, wadankeenu waa wadan haysta “Raw Material” oo ah alaab qaydhin, iyo  dhul macdani ka buuxdo, sidoo kalana haysta bad balaadhan iyo khayraadkeedii oo dhan, ka faaideysiga wadanku wuxuu keenayaa citiraaf iyo barasho wadan, waxaa suura gal ah, haddii aynu nidaamkeena siyaasadeed wax ka badalno oo horumar iyo wax soosaar la arkayo aynu keeno , inaynaan citiraaf u baahaneen , citiraafkuna iman lahaa wakhti aynaan u baahnayn oo laynala baryi lahaa.

Citiraafka la rabaa waa horumar iyo wax soosaar, sidaa awgeed hadaynu horumar samaysano, waxsoosaar samaysano, siyaasad togan oo dhamaysa samaysano, dadkeena iyo dhulkeenaba ka faaideysano waxaa hubaal ah  in aynu helnay wixii aynu citiraaf ka heli lahayn, marka aynu inaga is citiraafno ayaynu mid kalena helaynaa laakin wadooyinkii laynagu citiraafi lahaa  ayaa wali inaga maqan. Taasna kor ayaan ku soo sheegay.

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynaa , muhiimada wadankeenu waa in la horumariyaa oo laga faa, ideystaa khayraadkiisa iyo dhulkiisa iyo dadkiisaba marka intaa laga faaideysto ayaa la helayaa waxkasta oo loo dhaqaaqo, waxa laynooga baahan yahay , wadan mida, dad mida , siyaasada mida iyo bulsho isku duuban iyo dawlad u shaqaynaysa si cadaalad ah oo horumar hiigsanaysa.

Sidoo kale waxa laynooga baahan yahay inaynu il kula socono cidkasta oo rabta inay wadanka fawdo iyo qas galiya sida maanta dalka ka jirta.

Hadafkaygu waa inaynu horumarino waxsoosaarkeena , siyaasadeena, dadkeena, kana faaideysano dhulkeena, dadkeena, badeena iyo khayraadkasta oo aynu haysano si wadamada caalamka ee khayraadkoodii dhamaystay inoogu baahdaan, xidhiidh caalamiyana laynoola sameeyo, si loo barato magaceena iyo wadankeena iyo dadkeenaba .

 

Contact

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Social activist/Free Journalism/Political analyst

Post number:  RP 168

Berbera

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories