Home“Duruufaha maanta taagan ee abaaro, biyo la’aan, cudur iyo cabasho leh, innagama...

“Duruufaha maanta taagan ee abaaro, biyo la’aan, cudur iyo cabasho leh, innagama dulqaadi karo caalamku,laakiin dembi-dhaaf Ilaahay keliya…..” Sheekh Dirir

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa(SLpost)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in duruufaha maanta taagan ee abaaro, biyo la’aan, cudur iyo cabasho leh, aanu innaga dulqaadi karin caalamka, awood iyo aduun aynu sheegano, laakiin, dembi-dhaaf Ilaahay keligii aynu weydiisano.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay inmarkastoo dadku istiqfaar (dembi-dhaaf) la yimaadaan Ilaahay ku farxo, sheydaankuna ka cadhoodo, markaa loo baahan yahay inaan ka cadhaysiino sheydaanka, waana sababaha lagu helo roob, dad iyo duunyo.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay faa’iidooyinka dembi-dhaafka iyo inuu yahay furaha lagaga baxo dhibaato kastoo dhacda ayaa ku bilaabay:

“Khudbadii hore waxaynu kaga soo hadalnay raadka dunuubta iyo macsidu kaga tagto, dalka, dadka iyo duunyadaba, haddaba, dawadii raadka dembiyada lagu maydhi karo, laguna tirtiri karo waa dembi-dhaaf Ilaahay la weydiisto, loona noqdo, ilayn cudurka marka la garto waa in dawadii loo gudbaaye. Mowduucan istigfaarta (dembi-dhaafka) waa mid aynu ilowsan nahay, Ilaahayna inna, faray Nebi Maxamed CSW joogtayn jiray, saxaabadiina ku tarbiyadeeyey, haddaba waxa isweydiin leh, qofweyn iyo midyar, culimo iyo cuquud intee ayeynu maalin walba dembi-dhaaf Ilaahay weydiisanaa? Duruufta maanta taagan ee abaaro, biyo la’aan, cudur iyo cabasho leh, innagama dulqaadi karo caalamku aynu u cabano, awood iyo aduun aynu sheegano, dembi-dhaaf Ilaahay keliya innaga dulqaadi kara, markaa waa inaynu u degdegno dembi-dhaaf aynu ka weydiisano dembigeenii hore, towbadana badino, dedaalka halka aynu ka bilaabayno waa halkaa.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in dadka muslimiintu noqodka ay Ilaahay u noqdaan iyo baryadiisa ayey ka bilaabaan arrimaha xalkooda, laakiin, kama bilaabaan awood maadi ah ama arrimo ay is-bidaan iyo aduun. Istigfaarta iyo towbadu waa laba arrin oo isku dhow, culimadu waxay sheegaan inay isku xidhiidhsan yihiin, sida maydhistii iyo qurxintii. Qofku markuu doonayo inuu dhar fiican xidho, marka hore wuu maydhaa, markaa ayuu dharkii fiicnaa xidhaa, markaa istiqfaartu, waa dembigii oo Ilaahay aad weydiisato inuu kaa dhaafo, oo kaa maydho, ka dibna towbadii ayaa lagu qurxinayaa. Waxay kaloo ku kala duwan yihiin towbadu qofka keligii ayey ka timaadaa, micnaheedu waa qof kale uma towbad keeni karo, oo hebelow ii toobad keen, ama hebel ayaan u toobad keenayaa ma jirto, laakiin istiqfaarta, qofkuna Ilaahay wuu weydiisan karaa, isagana Ilaahay waa loo weydiin karaa. Ta sadexaad, tobadu waa noqosho, adoonku dembigii ayuu ka noqonayaa, Ilaahayna ciqaabtii ayuu ka noqonayaa, istiqfaartu waa dembiyadii hore tegay oo adoonku ilaahay dembi-dhaaf ka weydiisanayo, towbaduna inuu iska ilaaliyo waxa dambe. Nebigu CSW waxuu sheegay in istiqfaartu tahay hadyadaha ugu qiimo badan ee waalidkeen markuu dhinto aynu u dirno, sida xadiis saxiix ah oo Abu Hurayra werinayo macnahiisu ahaa, “Ilaahay baa derejo jannada u kordhiya adoonka muuminka ah markuu qabriga ku jiro, markaa ayuu yidhaahdaa, Ilaahow, halkee ayey iiga sugnaatay? Markaa ayuu Ilaahay u sheegaa inuu yahay istiqfaar ubadkiinu idiin soo hadyeeyey, sidaa ayaad ku heshay, markaa innaynu ilowno maaha samafalka waalidka markuu geeryoodo ka dib u qabano.

Sheekh Dirir ayaa sheegay si istiqfaarteenu aqbalka ugu dhowaato, waxa jira ereyo nebigeenu CSW inoo sheegay oo sir ku jirto, waxaanu yidhi

 qofka yidhaahda, “Ilaahay baan dembi-dhaaf weydiisanayaa, nooloshiisu daa’imka ahayd, wax walba habeeya keligii, waan u noqonayaa, Ilaahow dembiga iga dhaaf” waa laga dhaafaa dembigiisa, hadii maalintii dagaalka cadowga cararo xitaa.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in istiqfaar lala yimaado faa’iidooyin badan laga helo, ta ugu weynina tahay dembiga aynu la il-darnayn oo Ilaahay innagaga dhaafo, sababaha lagu helo dad, duunyo wanaagsan iyo roobka aynu doonayno waa istiqfaarta (dembi-dhaaf) ilaahay la weydiisto, sidii Nebi Nuux markuu la hadlayey qoomkiisii ugu sheegay hadday dembi-dhaaf la yimaadaan Ilaahay roobka u shubayo, wiilal iyo duunyana ku xoojinayo, beero iyo biyo isku qoofalana wuu idin siin doonaa. Istiqfaartu waa sababta balaayada dadka haysata lagu qaado, sida Ilaahay ugu sheegay nebi Maxamed CSW “Ilaahay ummadan ma cadaabayo inta ay istaqfurulaah (oo qawl, ficil iyo qalbi leh) leeyahiin”. Faa’iidada istiqfaarta waa sababaha Ilaahay ku qaado werwerka, cidhiidhiga iyo arsaaqad yaraanta. Waxa ka mid ah faa’iidada istiqfaarta ka cadhaysiinta sheydaanka, wax kastoo shaydaanka ka farxinaya waa dembi, wax kastoo ka cadhaysiinayana waa cibaado, sida rasuulku CSW inoo sheegay, sheydaanku waxuu yidhaahdaa intuu Ilaahay hortiisa ku dhaarto “Weynaantaadaan ku dhaartee ibna bani’aadam waan halayn doonaa, inta naftu ku jirto, Ilaahayna waxuu yidhi, “Kama daalayo inaan ka aqbalo dembi-dhaafka, inta ay I weydiisanayaan” markaa adoonku haduu istiqfaar dalbo Ilaahay ayuu u hiiliyey, sheydaana wuu ka cadhaysiiyey, markaa haddaynu aragnay faa’iidooyinka istiqfaar lala yimaado oo qur’aan iyo axaadiis inoo sheegeen, waa in istiqfaartu (dembi-dhaaf) ilaahay la weydiisto noqoto shayga ugu horeeya ee goob walba, isku baraarujinayno inaan laasimno, oo ku dedaalo, Ilaahay dhamaan dunuubteena, ha innaga dhaafee.aamiin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories