HomeDURBA MIYAAD ILLOWDEEN: Qormada Todobaadlaha ah ee Boobe Yuusuf Ducaale iyo Nuxurkeeda...

DURBA MIYAAD ILLOWDEEN: Qormada Todobaadlaha ah ee Boobe Yuusuf Ducaale iyo Nuxurkeeda Maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

boobe-2Waar hooy dadkaygow,

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku diley markii xigay,

Ka digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa.

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

23/1/2014ka, Hargeysa,

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Heesta Haamo-dhowr

Ka rog oo mid kale saar. Bal maantana aan u digo-roganno xagga suugaanta, innaga oo u duur-xulayna siyaasadda, gaar ahaan maalmahan la hadal-hayo shirarkan ma-dhalayska ah ee aan la mahadin ee ka dhaca Turkiga iyo magaalada Istanbuul.

Waa Heestii Haamo-dhowr oo aan kula hadlayo dadweynaha Somaliland iyo dawladdaba. Malayn meysaan dhibtii iga soo martay soo-saaristeeda oo in badan oo ku heesi lahayd igu tidhi: “Waa ‘Anti’.” Waa erey ay maqalkiisa iigu dambaysay beryihii uu Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka talin jiray nidaamkii digtatooriga, qaballiga ee millateriga ahaa.

Heestu waxay la hadlaysaa cid kasta – dadweyne iyo dawladba – oo ka soo hor jeedda jiritaanka madax-bannaanida Somaliland, una hanqal-taagaysa in mar kale lagu celiyo xero-baastii ay lixdankii gashay ee ay ka soo digo-rogatay iyada oo dhiig badani ku daatay.

Qaybtan hore oo laba u kala baxdaa waxay ka hadlaysaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waa dagaalkii shacbiga ahaa ee siyaasiga ahaa ee weliba hubeysnaa ee loo galay soo-dhicintii Maandeeq. Waxa kale oo ay qaybtan hore ku saabsan tahay: Nabadayntii, dibuheshiisiintii, dimuqraadiyadayntii, hanta-isu-celintii iyo ololayaashii is-daba-joog ee halkan aynu maanta joogno lagu soo gaadhay, waxaanu yidhi:

 

 

Halgankeennii dheeraa,

Hirdankii gumeysiga,

Lallabii hujuunkiyo,

Nacabkaan halgaadniyo

Habqankii qaxeenniyo,

Huri-waagi keymaha,

Libin baan horseednoo,

Guul baan ku hanannee,

 

Habka nabadda loo xidho,

Iyo hidinta wada-hadal,

Hiirtaanyo-reebkii,

Heshiisiinti beelaha,

Hanti la isu celiyiyo,

Habayntii axsaabtiyo,

Dimuqraaddi hurintii,

Hannaankaagii fiicnaa,

 

Intaas ka dib waxa halkan soo gelaya dhex-taalkii Heesta Haamo-dhowr oo ah:

 


Ka-hulleel ma daw baa,

U-hilowga meel kale,

Hammuun dooji mooyiye,

Hammadaad ku lumisaa,

Hanka wuu garoocmaa,

Himiladu hallowdaa,

Hoog baana kuu xiga,

Iyo habaqle aan damin,


 

Guulahaas oo dhan ka hulleel ma daw baa? Somaliland ka tag, Somaliland ka noqo ma daw baa? Waa su’aal, marna waa weedh adkaynaysa jiritaanka Somaliland. U-hilowga meel kale? Oo meesha kale waa halkee? Waa ku-noqoshada Soomaaliya. Waa u-riyaaqa burburinta Somaliland. Oo maxaa dan ah ee ku jira? Dee waxba oo aan ahayn: hammuuntiisa in uu doojiyo qofka sidaa yeelayaa. Waa qaadashada cad-quudheed oo aanay ummaddan xorta ah ee Somaliland geyin. Waa hammadaada iyo higsigaaga oo luma. Waa hankaaga oo garoocma ama kala dhantaalma. Waa himiladaada iyo ididiiladaada oo aad luminayso. Wixii ku xigaaba waa hoog iyo halaag aan laga soo kaban karin oo aanay ummaddani mar dambe hinqan karin iyo habaqle joogto ah oo aan dhammaanayn. Timacadde ayaa laga hayay: “Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay.”Waa beryihii ay aawanayd. Maanta haddaba maxay Somalilandnimada dhaafsadeen? Ma duuf iyo nijaas baa.

Waa qaybta labaad oo ka hadlaysa hawlihii la soo galay. Waxa kale oo ay ka hadlaysaa danaystayaasha iyo inta dalqada indhaha ku leh, waxaanu yidhi:

 

 

Alooskii hayaankiyo,

Haamo-dhowrki geeddiga,

Iyo horumarkaagii,

Hay’ado-samayntii,

Iyo heykal qarannimo,

Habka loo agaasimo,

Tusmayntaadi hilimmada,

Xaq-u-hiilintaadii,

 

 

Hugun-raaca yeelkii,

Danaystaa hadaaqii,

Hunguraa dad eedaye,

Daan-la-roortu waa hebed,

Ma-huraan dalkeenniyo,

Dadku wuu hadhaayaa,

Adna hoga-tusaalaha,

Hiyigaaga kaashoo,

 

 

Qaybtan saddexaad ee ugu dambaysaa waxay ka hadlaysaa kaalintii aynu ka gallay nabad-ku-soo-celinta Geeska Afrika iyo in aan lagu hungoobi karin dedaalkii dheeraa ee ummadda, waxaanu yidhi:

 

Geeskoo holcaayoo,

Ka hayaantay nabaddii,

Hormayntii is-kaashiga,

Dadku isu hiloobeen,

Kalgacaylka hidiyeen,

Hab-yagleelka nololeed,

Hindisahaad ku curisee,

Hal-abuurka ka ahayd,

Hiyigii dadweynaha,

Higsigoodi nololeed,

Xorriyaddii ay haybsheen,

Horumarintiyo yagleeshii,

Hoggaankii ay doorteen,

Hilimmadi ay jeexdeen,

Hore ugu dhaqaaqeen,

Hungo laguma sheegee

 

Hadda Heshiiskii Istanbuul Qodobkiisa 9aad wuxu ahaa: In ay labada dhinacba ka xun yihiin xanuunkii (pain) nidaamkii millateriga ahaa u geystay shacbiga Soomaaliyeed ka hor 1991kii. Waxaanu cambaaraynaynaa dilkii (atrocities) uu nidaamkaasi ka galay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan shacbiga Somaliland.

Hadda nimanka wefdigeennii kheyrka qabay waxaa la saxeexanayaa waa nimanka marka ay Muqdisho joogaan u dabbaal-dega sannad-guurooyinka: 53-guuradii Xoogga Dalka, Ciidammada 23/04/2013kii, 20/12/2013kii, 70-guuradii Bilayska iyo weliba kaaga daran e’ 9/01/2014kanna, 40-guuradii Nabad-sugiddii la eeday ee la dagaalay. Bal ka warrama wefdigeenna waxaa laga iibinayo ee inoo soo qaadaya! Oo haddii ay ka xun yihiinba, maxay Sannad-guurooyinka u xusayaan? Innagu se maxaynu uga iibsanaynaa. Mar waa guubaabin iyo war-gelin, marna tirsigaygii 7aad ayaan saxayaa oo akhristayaasha mid ka mid ahi igu baraarujiyay.

 

Dhammaad iyo tirsiga 8aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories