HomeDunida Oo Idil Labeenta Iyo Indhaha Bulshadu Waa Wax-Soo Saarka Hooyada,....Marwada Iyo...

Dunida Oo Idil Labeenta Iyo Indhaha Bulshadu Waa Wax-Soo Saarka Hooyada,….Marwada Iyo Macallimadda Noloshuna Waa Hooyada! – W/Q: Mohamoud Areb Abdi (Sabuub)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maqaalBal aan markale xulo badwaynta qorraalada waliba dhinaca bulshada , maqaalkeenana waxaan maanta ku xasuusan doona hooyada  bal qadar daqiiqada ah aan maanka iyo maskaxda ku yar qabano hooyo hooyo hooyo marka aad dhadhamiso erayga ama dhegahaaga soo gaadho maxaad dareenta ?

tusmadeenan waxaan ku lafa guri doonaa hooyada iyo kaalinta ay Qoyska, bulshada, iyo qarankaba ay kaga jirto hooyadu ilayn waa lama huraanoo waa rays udgoone balse ka hor aan idin xasuusiyo heestii caanka baxday ee hooyo ee uu ku qadayay maxamed saleeban tubeec islamarkaana uuu ku faro yaraystay abwaan maxamed warsame HADRAAWI .

 

Marka aad nin hoogiyo

Ka hortagga dagaalkoo

Dabkaa hura bakhtiyoo

Garta hubin yaqaanoo

Xaqa hoos u Eegoo

Halistiyo Colaadaha

Ku hagoogta dhiigoo

Dadka kala Hagaajoo 

Kal haga Dhashabaa 

HOOYO LAGU XASUUSTAA 

HOOYO LAGU XAQDHAWRAA

 

Hooya adu waa udub dhaxaadka nolosha . waana lafdhabarta isu hinjisa ama tageerta waarida iyo jiri taanka Qoyska , Qaranaka iyo guud ahaanba caallamka .fahanka kowaad ee Nolosha dhadhan iyo macaanka u yeesha waana warshada soo saarta aadamaha oo waxa dunida korkeeda lagu uumay kuwa ugu qaalisan  . waxay ababisaa Hooyadu Aaabaha iyo hooyada mustaqbalka ,Haweenka waa baadi sooca bulshada ku majiirato waxaana aasaas iyo gundhig u ah Hooyada , haggaaga iyo xumaanta kasta oo soo gaadha aadamaha Hooyada ayaa saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelata doc kasta oo nolosha ha ka  joogee.

 

Hooyadu waxay door lama ilaawana ka qaadatay ama ka ciyaartay ababinta, koolkoolinta, toosinta tusmaynta iyo taakulaynta nolosha aadamaha , waxayna fikir iyo howl badan gelisaa hadd iyo jeer siddii ilmaheedu uu noqon lahaa mid hami iyo himilo dheer oo hilin toosaan marra Hantana mustaqbalka dheer ee sugaya .Doorkoodaasi toolmoon ee nolosha ayaa ka dhigtay hooyada mid marwalba la xasuusto oo laga dhigto hal hays aan marnaba afka iyo adinka laga qaadin cabbirkeeda iyo cugashadeedana aan la miisaami karin .

 

Waxaan markhaati u baahnayn in hooyadu ay leedahay hanti ay marwalba dugsato taas oo uu alle swc ku manaysta karti wax-qabad, waana Hadhac qabow oo la hadhsado collaad iyo Nabad, adayg iyo fudayd, farxad iyo naxdin,xannuun iyo caafimaad wax walba oo aad nolosha kaga sugantahay

 

Hooyadu waa macallinka iyo maamulaha ugu mudan hiddo ahaan amaba dhaqan madhxinta qoyska iyo bulshada , tan iyo hadii lagasoo bilaabo xilligii ay uurka qaaday ilaa inta ay ifka ina keenayso  waa ay inoo dhibaatoota  hooyadu waxayna marwalba heegan u tahay siddii ay inoo habi lahayd ababin , lahayd waxayna u tafo xaydataa siddii ay inoo carbin lahayd iyo layliga nolosha  si aan u anba qaadno nolol wanaaggsan  iyo kasoo dhalaalida kaaalinta wanaagsan ee mustaqbalka hooyadu waxay  ina siisaa iftiimisaa oo ay ina sii bartaa hannashada nolosha iyo xilalka ina sugaya  ee u bahan barashadeeda iyo baadi goobkeeda ee dadaalka ku dhafanyahay , waxanan ilaawi doonin in hooyaday tahay maandhaye had iy jeerna waxay iga caawisaa dhibkasta iyo xaaladkasta oo adag oo ilasoo darrista . waan u ogahay diwaanka way ugu jirtaa tacabka iyo tabta toosan ee ay igu soo barbaarisay

 

Haaddaba hooyadu waxay leedahay astaame badan oo aan ku xasuusano marwalba iyo goorkasta kuwaasi oo ah hooyadu waxay leedahay Qiime, Qadarin,Ixtiraam, Daacadnimo,Xafidaad, beer nugayl,dulqaad, dhibirsanaan, caawimo,iyo ku dayasho fiican .

 

 

waxaan ku soo afmeeraya Inta u jeel qabta siddayda oo kale hooyada ee dareemaysa kaalinta hooyada ee ku furan ama ku baanaan sidda uu nabbigeenu yidhi CSW jannada waxay hoos taala caga hooyadiin ee qofka hooyadii nooshahaw ka ducayso hooyada  si aad jannada u gashid inta bilaa hooyada ahna waxaan leeyahay marwalba u hibeeya una akhriya QUR’AN una duceeya waxa laga yabaa inaad nasiib u heshid ducadooda waayo walladka saalixa ahi waa cidda keliya ee dunnida uga damaanad qaadaysa wallidka wixii khayra ee uu sameeyo .waxaan kusoo gunaanadayaa heestii qiimaha badnayd ee abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi” ee Hooyada oo tuducyo ka mid ah ay ka mid ahaayeen:

“Dusha kaa huwinayaa,

Hooyo Dhimashadaaduna

Hoogeyga waayee,

Waligay hogaagaan

Ka dul heesayaayoo

Hiyiga iyo Laabtaan

Kugu haynayaayoo

Hangal baan u xidhayaa

Inta haadda duushiyo

Idil habar dugaageed.

Ifka Hibo Ku Nooloow

Aakhiro Halkii Roon”

 

W/Q MOHAMOUD AREB ABDI (SABUUB)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories