HomeDunida Islaamka inteeda badan oo Axadda Berri laga Ciidayo, Farriimaha Madaxda iyo...

Dunida Islaamka inteeda badan oo Axadda Berri laga Ciidayo, Farriimaha Madaxda iyo Saamaynta Covid-19

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Dalalka Muslimka ah ee Adduunka intooda badan, ayaa maalinta Berri oo Axad ah looga dabbaal-degi doonaa Munaasibadda Ciidal-fidriga, in kasta oo Sabtida maanta laga Ciiday waddamo Somaliland ku jirto.

blankInta badan dalalka Islaamka ee caalamka oo dhammaystay 30-ka maalmood ee bisha Ramadaan oo maanta ekaa, ayaa Axadda berri laga ciidayaa waddamadaas oo ay ka mid yihiin dalalka Sucuudi Carabiya iyo Turkiga.

Haseyeeshee, Oogista Salaadda Ciidal-Fidriga iyo dabbaal-degga xuska munaasibadda, ayaa Sannadkan ka duwan sidii hore aafada Xannuunka Covid-19 oo faro-baas ku haya Adduun, waxaana xaalad deg-deg ah lagu soo rogay magaalooyinka waaweyn ee dalalka Muslimka iyadoo shacabka loogu baaqay inay saaladda Ciidal-fidriga ku tukadaan Guryahooda.

Boqorka Dalka Sucuudi Carabiyo, Boqor Salman oo hadal uu maanta u jeediyey shacabka dalkaas iyo umadda Islaamka ah ku hambaleeyey munaasibadda Ciidda ee maalinta Berri, waxa uu dhanka kale shacabka ugu baaqay inay muhiimadda koowaad siiyaan ilaalinta Caafimaadkooda xaaladda Caabuqa Coronavirus oo ku sii banaya dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya oo shalay oo kaliya ah la xaqiijiyey 2,442 kiis oo cusub oo Coronavirus ah.

“Waxaan idin farayaa inaad farxadda Ciidal-Fidriga u dabbaal-degtaan idinkoo guryihiina jooga. Waxa innaga go’an inay u hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta laynoo jideeyey si aynu caafimaadkeenna u ilaalino, guryiinana jooga oo salaamaha iyo hambalyooyinkana waxaad isku gaadhsiin kartaa khadka isgaadhsiinta, innagoo u hoggaansamayna waajibaadka diinteenu ina fartay ee tilmaamay sida looga gudbi karo marka lagu jiro xaaladahan oo kale,” Sidaas ayuu Boqor Salmaan ku jiro farrintiisa.

Dalka Turkiga ayaa bandow ku soo rogay 81 magaalo oo dalkaas ka tirsan iyadoo la xidhay meherada iyo goobaha ganacsi inta u dhaxay 24-ka ilaa 26-ka bishan May, waxaana dadweynaha lagu war-geliyey inay guryahooda ku tukadaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Sabtida maanta farriim hambalyo iyo digniin isugu jirta la wadaagay Shacabka dalkiisa, waxa uu sharraxay dedaallada xukuumaddiisu ku waajahday la-tacaalidda Caabuqa Coronavirus oo si weyn u saameeyey guud ahaan dalkaas.

“Dalal badan ayay xaalad adagi la soo deristay inta ay la tacaalayeen Caabuqa sababo la xidhiidha ilahooda dhaqaale oo kooban, haddana Turkigu wuu isku filnaaday annagoo sidoo kale caawinnay dalal badan. Waxa innagu waajib ah inay caafimaadkeena ilaalinno innagoo farxaddeenana ilaalinayna. Waa inaynu guryaheena ku oognaa Salaadda iyo farxadda Ciidul-fidriga,” sidaas ayuu Madaxweyne Erdogen u sheegay shacabka dalkiisa.

Dalka Masar oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn Bariga Dhexe ee dunida Islaamka, ayaa sidoo kale maalinta Berri laga ciidayaa, waxase masuuliyiinta dalkaasi ugu baaqeen shacabka inay ku tukadaan Guryahooda, farxadda munaasibadda u dabaal-degaan iyagoo guryahooda jooga.

Waddamada Kale ee maalinta Berri laga ciidayo waxa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Qadar, Urdun, Pakistan, Indonesia, Malaysia, Ciraaq iyo Qaar kale oo badan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories