HomeDumarka Maxaa Lagu Qiimeeyaa?

Dumarka Maxaa Lagu Qiimeeyaa?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Habeenkii marka ay caddada tahay, bishuna ay shan iyo toban tahay, dayuxu aad buu u iftiin badan yahay. Haddii uu xilliga markaa lagu jiraa gu’ yahay oo ay harooyinku buuxaan, qofkuna uu doono in uu dayaxa ama cirka arko uma baahanayo in uu wejiga kor u taago oo uu cirka eego. Isaga oo halkiisa iska jooga uun buu harada ama balliga eegayaa. Biyaha ayaa marka uu iftiinka dayuxu ku dhaco sida muraayadda oo kale u ekaada. Halkaas ayuu markaa qofku xiddigaha, dayaxa iyo cirkaba ka daawan karaa.

Muuqaalka sidaa u quruxda badan oo uu qofkii wax u fiirfiirsadaa aad u jeclaanayo ayuu, Alle ha u naxariistee, abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) ka sameeyey beydad cajiib ahaa oo ku jiray maansadiisii “Carshigii Jamaalka”. Waxa uu yidhi:

Ma habeen caddo ahoo,

Balliyada cigaagani,

Casuumeen xiddigahoo,

Cirka dayaxii kaa jiray,

Dhulka kaa cawaray baa?

Waxa aan uga socdaa waa in aadamiga uu ku abuuran yahay jacayl uu jecel yahay waxyaalaha ay quruxda iyo wanaaggu ka mid yihiin. “Nabadda” iyo “khayrku” tusaale ahaan waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha wanwanaagsan ee ay dadku jecel yihiin. Sidoo kale “cadceed soo baxaysa”, “madheedh bislaaday”, “dhir ubax leh”, “daruur curatay”, “doog is gaadhay” iyo “harooyin gingiman”waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha quruxda leh ee wax lagu ammaano, dadkeennuna ay isku raacsan yihiin.

Nin filasoof ahaa ayaa beri fog yidhi: “Wax kastaaba qurux ayuu leeyahay, hase yeesho ee quruxdaas qof kastaaba ma arko”. Wax kasta oo qurux badani dadka waa uu soo jiitaa oo indhuhu waa ay ku hakadaan, waxana laga yaabaa in qalbiga laftiisu uu dareemo khayr ama liibaan weyn.

Iyada oo ay sidaas tahay oo jiritaanka quruxda la isku raacsan yahay ayaa haddana qiimaynteeda lagu kala duwan yahay. Waa qof iyo sida ay la tahay, qaaciido guud oo quruxda ku saabsan oo la isku raacsan yahayna  ma jirto.

Haddii aynu u fiirsanno maansooyinka Soomaalida, gaar ahaan kuwa quruxda iyo ammaanta dumarka ku saabsan, in kasta oo marmar midabka lagu daro ama la soo hadalqaado, waxa quruxda lagu metelaa sida aynu kor ku soo sheegnay deegaan barwaaqo ah ama jawi fiican ama habdhaqan wanaagsan ama inahaas oo la isku darayba. Waxa uu tusaale ahaan maansayahanku odhan karaa marka uu ruux dumar ah ammaanayo: “Waxaad u dhigantaa dhibicdiyo cadceeddoo isku soo dhowaaday”. Waxa kale oo uu ku ammaani karaa tilmaamo wanwanaagsan oo habdhaqanka la xidhiidha sida dulqaadka, naxariista, xishoodka, dabeecadda wanaagsan iyo garashada fiican.

Dadka qaar baa laga yaabaa in ay midabka qofka muhimmad siiyaan, qaar kalena waxa laga yaabaa habdhaqanka fiican iyo tilmaamaha wanwanaagsan ee uu qofku leeyahay in ay qiimeeyaan. Haddii aynu soo koobno quruxdu waa wax uu qofba si u qiimayn karo oo aan la isku raacsanayn ama la isaga mid ahayn. Ma aha wax meel loogu hagaagi karo. Waa qof iyo dookhii ama doorashadii.

 

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories