HomeDulqaad-yarida Dawladda Siilanyo iyo Dareenka Shacabka – W/Q: Xasan Maxamed (Wadani)

Dulqaad-yarida Dawladda Siilanyo iyo Dareenka Shacabka – W/Q: Xasan Maxamed (Wadani)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sida aynu la wada socono waxa beryahan warbaahinta dalka ku soo noqnoqonaayey oo ay si is daba joog ah u qorayeen   dacwad aan weli nooceeda oo kale aan hore dalka loogu arag. Taas oo kasocota maxkamada degmada hargaysa, waa dacwad ka dhaxaysa nin katirsan wasiirada xukumada madaxweyne  siilanyo iyo qof dumar ah. Arintan oo dad weynaa khaasasatan caasimada hargaysa oo arintani ka dhacday ka dhedhalisay dood iyo muran su,aalo badan wata oo ku saabsan nooca dacwada ee ka dhaxaysa labadan qof .

Sharciga waa loo siman yahay shacab iyo dawlad, garsoorku na waa inoo dhex oo waa halka lagu kala baxo. Hadaba arintu maaha maxaa isu geeyay nin masab wasiir haysta iyo inan yaroo guri joog ah. Dacwadi way dhexmari kartaa lakiin waxa su,aasha iyo dooda keenay, dacwada, oo aha dacwad aan horre nooceeda oo kale kadhicin wadan ka waa  fariin cay ah oo telefoon laysaga diray sida ay warbaahintu sheegtay, taas oo sida wargeys yada dalku qoreen ay gabadhu telefoonka uga dirtay ninka wasiirka ah.

Hadaba sida aynu la socono marka aad umad masab u hayso ee weliba howl qaran aad ka shaqaynayso wax waliba way kusoo marayaan, mid  si toosa kuu caaya mid warbaahinta wax kaaga sheega iyo mid shacabka dhexdiisa kaa caaya, layaab malaha oo waa dhibaatoo yinka xilka.

Lakiin adiga maxaa kula gudboon  marka aad musuul tahahay ma inaad kii ku caayo ujawaabto, kii wargeys yada wax kuugu qorana aad ugu qorto oo aad  tidhaa igu dhufo ana aan kugu dhuftee ? jawaabtaa su,aasheeda waxan uga tegayaa akhristayaasha.

Sidaynu lawada socono waxa dawladan maanta dalka katalisa ee uu hogaaminaayo axmed siilanyo ka horeysay, dawladii daahir rayaale hogaaminay, markaynu kahadlayno labadan xukumadood ee dalka isga danbeeyay ka hadlimayno horumarka, korodh ka dhaqaalaa ka hadlimayno sugida aminiga, laakiin waxaynu is barbar dhgaynaa dhinaca dulqaadka iyo u ad kaysiga mucaarad nimada. Ma xasuusataa wakhtigii dawladii rayaale markii macaarad nimadu heergaadhay, waxa  rag waaweyn oo mansabyo siyaasadeed dalka ka haya  ay waxka sheegeen marwadii koowaad ee wakhtigaas iyo dadbadan oo mansabyo sarsare ka hayay dawladii wakhtigaas  iyaga oo kusoo qoray wargeys yada hadlo aflagaado ah oo ku wii somalidu xaalka ku kalaqaadan jirtay ama sababi kara in lala tiigsado maxkamad sharciya cidii waxaa hadaladaa tidhi sikastaba ha ahaate  aflagaadada iyo cidiyo ku dagaalan ku waxay gaadhay halkii ugu danbaysay hadana waxaas oo dhan deero deero umay hirdiyin inta badan  anigu malihi dawladii hore tanmaanta way ka fiicnayd lakiin waxaynu ka hadlaynaa sidaan horeba usheegnay waa dulqaadka iyo u ad kaysiga mucaarad ka.

Markaynu sidaaleenay hortay dawlada siilaanyo waa dad isku tegay oo waxwalba wayyeelan karaan, lakiin waxa layaab noqotay waxa ninka masab wasiir taagan  iyokiiska ay isku haystaa gabadha dada yar nooca uu yahay!!!!!!!!!

Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa “war laqabaa xiiso maleh” waxan uga jeedaa waxanan xagasare kuxusin wasiirka ay gabadha dacwadu ka dhaxayso, waxan ka soo qaaday inaa ilawada garanaysaan intiina badani oo aad warka ka dherigsantiin hadaan se is dultaago shaqsigaan kahadlaayo waa wasiirka ugu hadal haynta badan wadan lana odhan karo waa ninka ugu dhawdhaw madaxeeyne axame maxmed waa nin dhalin yaro ah siyaasadana ku cusub afka lagama dhawree waa wasiir xirsi cali x xasan.

Waa nin kii uu Abwaan Dhako Lahaa markii chief of cabinet–ka loo magacaabay ee hadal hayntiisu bilaabantay  “ sida gaban kan caanka ah isagoon dastuur gelin baarlamana loogayn gayigoo dhan maanula. Agaasimahan gaarka ah loo xidhay garaadada ka guwayn wasiirada sawkan galabta igu daray jiifkiyo guruubkii gaarka looga baqan jiray”.

Hadaba  dawladan hada joogta hortay inagaa dooranay  siiba da yarta inta udhaxaysa 16-40 jir,  in dawlad dawlad kale lagu bedelaana waa sunaha dimuqraadiyada , lakiin muhiimadu waxa weeye in layswaydiiyo maxaa is bedelay maxaan se is bedelin, umaduna aanay is ilaabin si aanu xukunka dalka isaga haysan shaqsiyaad liita  oo danta caamka ka horay siinaaya naasnuujita ashkhaas gaar ah  ama musuqmaasuq iyo wixii lamid ah .

Guntii iyo gunaanadkii waxan leeyay shacabka reer Somaliland bal waa loo joogidoonaa dawladan hada waxay kudanbayso “geed waa madal in joogtaana waa markhaati”

Wabilaahi Tawfiiq.

Waa Qalinkii: Xasan Maxamed  X Xasan (Wadani).

Hargaysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories