Home"Dulmigu Waa Adiga Oo Beenta Ka Dhig Run" Sheekh Aadan Siiro

“Dulmigu Waa Adiga Oo Beenta Ka Dhig Run” Sheekh Aadan Siiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii maalintii Jimacaha  kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha Dulmiga iyo sida reer Somaliland ugu baahan Caddaalad.

hqdefault

 

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kula taliyey in aan dhan laga rarin Xalka loo raadinayo Khilaafaadka Xisbiyada Qaarkood ka dhexeeya iyo Dadka kale ee Siyaasadda ku murmaya, si aan Jihada Somaliland u socota dhibaato iyo khalkhal ugu imanin.

 

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Inaad Arrimaha is-waydaariso adigoo xisaabtaadu tahay inaad guuleysato, adigoo guusha u arkaya in sida aad doonayso ay wax u dhacaan. Khudbaddani waxay xidhiidh toos ah la leedahay Isbeddellada ka socda Somaliland gudaheeda, kaas oo ay tahay in Dadka Caqliga, Cilmiga leh ee Doonaya inay Somaliland wax noqoto ay il-dheer ku eegaan isbeddellada jira, si ay Nabaddana u taageeraan, si Dalkuna Nabad u ahaado, in Dadku is-waydaartaana indho badan loo yeesho.”

 

Sheekhu waxa kale oo uu sharraxay Dulmiga, “Dulmigu waa adiga oo xaq-daro ugu Tasarufa Dadku waxay leeyihiin. Dulmigu waa adiga oo Beenta ka dhig Run, Runtana Been sida Maanta Dunida ka jirta, Dulmigu waa Shayga oo la dhigo meel aan meeshii ahayn, waa Adiga oo Xaqa ka gudba oo Baadilka Dadka u wanaajiya. Dulmiga waxa ka mid ah Shayga oo meeshii laga qaado oo meel kale la dhigo iyadoo wax laga reebayo ama wax lagu darayo ama in la dheereeyo (Wakhtiga) si Dadku ay u daalaan, Macnaha Arrin loogu talo-galay inuu wakhti (La yaqaan) dhaco ayaa la kordhinayaa, si Dadku u daalaan oo aanay Xuquuqdooda u helin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imaam Muslim ahaa ayaa yidhi, ILAAHAY wuxuu u gargaaraa Dawladda Cadaaladda fasha Gaalaba ha ahaatee, laakiin uma gargaaro Dawlad Dulmi ku heshiisay haba ahaadaan Muslimiine. Waayo ? Wanaaggii, Aqoontii iyo Khibraddii baan shaqeynayn, halkii aynu u soconay ee ahayd in Dalkan la badbaadiyo ayaa aad iyo aad ugu yar inta Maanta wax ku xidhan yihiin.”

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu ku taliyey in Xukuumaddu dhexdhexaad ka noqoto Murannada Xisbiyada Qaarkood ka dhexeeya, “Waxaanu kula talinaynaa inta Wanaagga iyo dalkani wax noqdo jecel in Ummadda Wanaag lagu kala saaro, hadday taasi dhici waydo waxay keenaysaa inay Faruuranto oo Dadku isticmaalaan inta ay wanaagga moodayaan. Xukuumadda waxaanu sheegaynaa dhex baad u tihiin Xisbiyada ama Dadkaa siyaasadda ku murmaya ee dhinac haka rarina, Waayo? Nin meel Cidlo ah ka soo jeedaa ma jiro oo Dadkaa murmaya oo dhan Qof walba Ummad baa daba taagan, markaa haddii la leexiyo oo wixii Caddaalad waayaan waxay keenaysaa in wixii innaga khaldamaan.”ayuu yidhi.

 

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories