HomeDulman (Sheeko Taxane Ah) Qaybta 4aad

Dulman (Sheeko Taxane Ah) Qaybta 4aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

FaadumoGaasira ood mooddo in geeri loo soo sheegaybaa kor u boodday oo tidhi,” Hooyo macaan anigaa ku dhalay waa maxay waxan baaseed ku hadlaysaa?!” Ii sheeg hadda waa xilligaan ogaan lahaa runta mana ihi ilmo yar oo wax laga qariyo ama la sasabo.” Haddayba Gaasiri inbadan iska adkaysay u sheegidda Dulman taariikhdeedii hore. U sheegtay inay ka heshay guddaafad xashiish. U sheegtay inay iyadu soo qaaddatay hadday iska dayn lahaydna Eydu kala goosan lahaayeen mar hore. U sheegtay in aanay hooyadeed iyo aabbaheedna midna aqoon. U sheegtay inay iyadu u magac bixisay uguna wan qashay Suubban. U sheegtay inay odaygeedii marxuumka ahaa aabbo uga dhigtay magaciisiina raacisay maalintay dugsiga soo qoraysay. “Hooyo macaan waxan kuugu sheegi waayey in aanan ku dhallin maan doonayn inaan ku ciyaaro noloshaada. Ilmahaygii oo aanan naas nuujin baad tahay, adoo xab ah baan ku soo qaatay. Anigaa hooyo ku soo korsaday inay dhib yarina ku soo gaadho ma ogoli.” Ugu sii dartay iyadoo ilmaynaysa.

Maxay samayn hadda Suubban? Talaa ku ciirtay wax ay tidhaana way garan wayday. Hooyo waan ogahay inaad i jeceshay oo aan inantaada ahay, balse kama maarmayo inaan arko hooyadaydii caloosha igu qaadday iyo aabbahaygii i dhalay. Ayey haddana u sheegtay Suubban, Gaasira. Gaasiri markan warcelin uma haysto tallaa ku ciirtay wax ay samaysana ma garanayso sababtoo ah halkay ka doontaa Suubban hooyadeed iyo aabbeheed? Ayey se u taqaanaa? Hadday hadda ka soo hor baxaan ma taqaan . Naxdin ay ka naxday hadalkan danbe ee Suubban ayuu dhiig kar ku dhuftay! Saacad ka dibna carrabkeedii bay callaashatay. La isku yaac. “Alla hooyoow….Alla hooyo, maxaa igu watay een sidaa kuu idhi? baa ka soo hadhay Suubban. “Alla hooyaday bay dishay tii baasaydeey soo heshay.” Baa ka soo hadhay Hodan iyo labadii kale. Dhakhtarkaa la geeyey toddoba caano maal hadday ku jirtay, ballaayado maalina ma qaddee saacaddeedii way dhammaatay naftiina way ka baxday Gaasira.

Anfariir iyo af kala qaad kale baa dhacday. Saacaddu waa halkeedee, “Inantan yar baa u sabab ahayd.” baa lala taaggan yahay. “Ha noolo xidho hooyaday iyada awgeed bay u dhimmataye.” Ayey la taagan yihiin. Dulman dhib kale oo ka sii darran tii hore baa ku habsatay. “Yaan hooyo ka dhigan doonaa toloow”. Ayey nafteedii wayddiisay. Maydkii Gaasira gurigeedii baa la keennay. Waa la maydhay waana la kanfay. Xabaalihiina la gee sidaana lagu sii galbi. Waa maalin maddow oo ku habsatay guud ahaan reerkii ay ka baxday. Waxay maalin madow u tahay sidoo kale Dulman. Dardaaran may helin oo wakhtigu umuu suurto galin marxuumadda Gaasira inay hablaheedoo dhan kaga tagto.

Agoon iyo rajo maanta way yihiin. Hodan, Hibo iyo Hodma intuba ma arki karraan Suubban. Gurigii bay ka eryeen. “Orod marka horeba waa lagu soo helay, halkii hooyaday kaa soo qaadatay ku noqo.” Ayey si kulul ugu tidhi Hibo.

Suubban si kasta ula hadashay, way se diiddeen. Iyadoo ilmaynaysay tidhi, “yaan cid ii ah oo aan ka dhigtaa walaalo? Yaan weheshadaa oo aan ku diirsaddaa.” “Cidda aad doonto. Ayey ugu wercelisay. Iska soo luudday iyadoo meel ay u dhaqaaqdo garan la’ dharkeediina ka soo guratay………………………………………

La soco qaybta kale hadduu Eebbe ogolaado.

 

 

W.Q: Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com

Hargaysa, Soomaalilaand

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories