HomeDugsiga Sare ee Ileys oo Sannadkii 4aad oo Xidhiidh ah Hantiyey Kaalmaha...

Dugsiga Sare ee Ileys oo Sannadkii 4aad oo Xidhiidh ah Hantiyey Kaalmaha ugu Sarreeya Imtixaankii Shahaadiga ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Sare ee Ilays, ayaa xaflad loogu dabbaaldegayey guul taariikhi ah oo ardayda dugsigaasi ka soo hooyeen imtixaannaadkii shahaadiga dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland oo lagu dhawaaqay, kadib markii ardayda dugsigaasi ku guulaysteen kaalmaha ugu sarreeyey imtixaanaadkaas, ayaa gelinkii dambe ee isla shalay lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

blankMunaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qaybgalay maamulka, macallimiinta, waalidiinta, ardeyda iyo madaxda hay’adda waddaniga ah ee Masno oo maamusha dugsiyada Ilays, waxa shahaadooyin kala duwan lagu guddoonsiiyey ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaannaadka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2010/2011 dugsiyada sare, iyadoo ardayga ugu sarreeyey guud ahaan dalka oo dhan oo ka tirsan yahay ardayda dugsiga Ilays oo aan afartii sannadood ee u dambeeyey mar qudha laga qaadin kaalinta koowaad.

Maamulaha Guud ee Dugsiga Sare ee Ilays Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi oo ugu horreyn munaasibaddaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey ardayda dugsigiisa ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah iyo waalidiintooda, isagoo dhinaca kalena si mug leh uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee dugsigiisu maray, gaar ahaan waqtigii uu bilaabay in ardaydiisu ku guulaystaan kaalmaha ugu horreeya imtixaanaadka shahaadiga dugsiyada sare ee Somaliland.

blank“Waxaan ugu horreyn u hambalyeynaya ardeyda guusha ka soo hooyey imtixaankii sannadkan, wacdarahana ka dhigay sannadkan guud ahaan dalka oo dhan iyo waalidiintooda, waxaanan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, Ilaahay baanan ugu mahadiniyaa inuu tacabka inoo xasililyo, aqoontana inoo sii barakeeyo. Aad baan ugu faraxsannahay haddaannu nahay maamulka iyo macallimiiinta dugsiga Ilahays in ardeydayadii aannu gacanta ku haynay dedaalkaas sameeyeen iyo dedaalkii macallimiintoodu inay ku soo gebagebowdo guushaas ummadda oo dhan wada arkayso ee aan cidna dafiri karin.

Dugsiga Ilays waxa la aasaasay sannadkii 1999kii oo haatan laga joogo 12 sannadood, ayaa sannad-dugsiyeedkani noqonayaa imtixaankii kii sagaalad ee shahaadiga dugsiyada sare ee uu la fadhiisto iskuullada dawliga ah, iyadoo ay maalinba maalinta ka dambaysa sii xooggaysanaysay tayadiisa waxbarasho iyo tirada ardayda gelaya, waxaannu markii ugu horreysay afar sanno ka hor hantiyey tobabka arday kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaannaadkii shahaadiga, kaalintaas oo aan ilaa hadda mar qudha laga dhaqaajin.

blank
Inanta Kaalinta Koowaad ka gashay Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dalka oo ka tirsan Dugsiga Gaarka loo leeyahay ee Ileys

Farxad gaar ah ayey noo tahay in tobanka ardey ee Somaliland ugu sarreeya dugsiyada sare ee dalka oo dhan ay shan ka mid ah noqdaan dugsiga Ilays, kuwaasoo midkood yahay ardeyga kaalinta koowaad u galay dalka oo dhan oo magaciisa la yidhaa Nasra Jaamac.”

“Waxa kaloo dugsiga Ilays helay kaalmaha 3aad, 6aad, 8aad iyo 10aad ee tobanka arday ee ugu sarreeya dugsiyada sare ee dalka, waxana ku jira arday laga soo saaray 5200 arday. Tobanka wiil ee u sarreeyey Somaliland saddex buu ku leeyahay dugsiga Ilays, tobanka hablood ee dalka ugu sarreeya waxaannu ku lahayn siddeed, sidaa awgeed ujeeddada aannu xafladdan u qabanay waa sidii aannu u abaalmarino u guddoonsiin lahay ardaydaas iyo waalidiintooda,” ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga Sare ee Ilays.

Mr. Maxamed Axmed oo u ku hadlayey afka waalidiinta ardeydoodu kaalmaha hore ka galeen imtixaannaadka, waxaannu tilmaamay inay waalid ahaan aad ugu faraxsan yihiin guusha taariikhiga ah ee ubadkoodu soo hooyeen, isaga dhinaca kalena si weyn ugu mahadnaqay, una ammaanay maamulka iyo macallimiinta dugsiga Ilays, kuwaas oo uu ku boorriyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Shukri Aadan Axmed oo ka mid ah gabdhaha dugsiga Ilays ee guusha ka soo hooyey imtixaanka shahaadiga ah, ayaa sheegtay inay Ilaahay ugu mahad-naqayso guusha ay dedaalkooda ku kasbadeen, iyada oo u mahad-celisay macalliminta iyo waalidiinta ku soo tacabtay, waxaanay xustay inay gabdhaha dugsiga sare Ilays soo hooyeen guul aan hore uga dhicin Somaliland dhinaca hablaha marka la eego.

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed (Khayre) oo ah maamulaha dhinaca waxbarashada hay’adda Masno ee maamusha dugsiyada Ilays, ayaa isaguna u hambalyeey ardeyda dugsigaas, waxaannu carrabka ku dhuftay inay hay’ad ahaan farxad weyn u tahay guusha ardaydaasi ka soo hooyeen imtixaannaadka shahaadiga dugsiyada sare ee Somaliland, waxaannu ku guubaabiyey ardayda qallin-jebiyey in aanay halkaas kaga hadhin waxbarashada, balse sii korodhsadaan aqoontooda.

Ugu dambayn, maamulka iyo macallimiinta dugsiga sare ee Ilays waxa ay halkaas shahaadooyin ku guddoonsiiyeen ardeyda iyo waalidiinta kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaannaadkii shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2010/2011 ee dugsiyada sare ee Somaliland oo natiijadiisa si rasmi ah loogu dhawaaqay shalay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories