HomeDugsiga Sare ee Ballidhiig oo laga deyriyey Xaaladdiisa Waxbarasho iyo Baaqa Maamulaha

Dugsiga Sare ee Ballidhiig oo laga deyriyey Xaaladdiisa Waxbarasho iyo Baaqa Maamulaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ballidhiig (SLpost)- Cabdillaahi Cismaan Ciid oo sheegay inuu yahay Maamulaha Dugsiga Sare ee Degmada Balli-dhiig oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa ka dayriyey Xaaladda dugsigaas oo uu sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu xidhmo.

Cabdilaahi Cismaan waxa uu sheegay in wakhtigan afar Arday wax ka bartaan Dugsiga Degmada Ballidhiig kuwaas oo isaga kala yimi labaataneeyo tuulo oo degmadaas maamul ahaan hoos yimaadda, waxaanu sheegay inaanay jirin macalimiin ku filan oo dugsigaas ka hawl-gasha.

Cabdillaahi Cismaan waxa uu xildhibaanada ka soo jeeda Degaankaas iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbul Xaakimka Kulmiye ugu baaqay inay waxtar ka geystaan Baahida taala Dugsiga Sare ee Magaalada Ballidhiig oo markii hore loogu talo-galay Boarding (Goob waxbarasho oo Ardayda Seexdaan).

blank“Waxa jooga saddex Macalin, welina boodhinkii muu hirgalin oo waxa la dhigtaa saddex fasal oo kali,” ayuu yidhi Maamuluhu isaga oo intaas ku daray, “Gaadhigii Baska ahaa ee ay ballan-qadeen Nimanka jaadka keena magaalada Baladhiig iyo Degmooyinka ku xeeran, lagama hayo oo wali nama soo gaadhin gaadhigii ay Warbaahinta ka sheegeen.” Waxa uu sheegay in baabuurku ardayda u fududaynayo masaafarada dugsigu u jiro magaalada Ballidhiig oo durugsan awgeed.

Waxa uu ka warramay xaaladda dugsiga iyo waxbarashada deegaanka, “Waxaana dhigta afartan arday oo saddex galas oo kaliya ayaanu wax ugu dhignaa. Markaa wasaarada waxbaraashada waanu u sheegnay oo way ogyihiin xaalada ka jirta Iskuulka Magaalada Baladhiig iyo siday tahay waxbaarashada Degaanku oo wallahay aad ayey u liitadaa xaalada Iskuulka Sare ee Magaaladu,” ayuu yidhi.

 Cabillaahi Cismaan Ciid waxa kale oo uu sheegay inay baahida waxbarasho ee deegaanka ka jirta ay u gudbiyeen wasaaradda Waxbarashada isla markaana loo ballan-qaaday in qorshaha horumarinta waxbarashada lagu darayo balse aanay illaa wakhtigan waxba soo gaadhin,

“Waxaanu filanaynaa taageero oo rejo ayaanu qabnaa in aanu helno caawin oo wali waxba nama soo gaadhin. Waxaana maamula wasaarada waxbaraashada Somaliland oo iyada ayaanu hoos nimadnaa oo way ogyihiin baahida meesha taala, waxayna yidhaahdeen sannadada danbe ayaanu qabanaynaa, anaguna  waxaas oo dhan riboodkii waanu u gaynay xitaa gaadhig iyo dhismayaasha uu u baahan yahay Iskuulku, waanu u sheegnay,” ayuu yidhi Maamule Cabdilaahi.

“Ardayda dhigata tiradoodu ma badna oo haddii meeshii ay taalo baahi wayni ardaydii ma iman karto, laakiin rejadayadu waxa weeye in wixii dhiman aanu dhamaystirno oo ardaydu ay helaan wixii ay cunayeen iyo hurdadoodii oo ardayda dhigata waxa laga caawiyaa wejiyo badan,” ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

Waxa uu maamuluhu sheegay inay caawimo ka heleen qurbojoogga degmada, “Qurbajooga Magaalada Balidhiig waxay na soo gaadhsiyeen Kombuutaro oo waxaanu rajeynaynaa inaanu wax kale ka helno. Waxa baahi wayn isaguna naga haysataa xagga dabka oo waxaanu u bahaannahay Mishiin Laydhka  oo Kabuutarada la keenay ku isticmaalno.”

Maamuluhu waxa uu ugu dambeyntii baaq u jeediyey masuuliyiinta dawladda iyo xisbiyada siyaasadda ee degmadaas ka soo jeeda, “Xildhibaanadii laga soo doortay Degaankan waxa ugu danbaysay maalintii ay ololaha ku jireen, markaa waxaanu ugu baaqaybaa inay gacan ka gaystaan Iskuulka sare ee Magaalada,” ayuu yidhi isaga oo intaas ku daray, “Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbul Xaakimka hore ayaan farriin ugu dirnay oo wax jawaaba kama hayno, markaa waxaanu ku leenahay kaalay Degaanka oo arag xaaladda ka jirta ee waxbarashada, waaa halkii shalay aad lahayd codkiina waa inaad Kulmiye siisaan oo anaga ayaa xaq u leh.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories