HomeDugsiga Hoose/Dhexe ee Saylac oo Laba Maalmood u Xidhan Xaalad Amni-darro, Maamulihii...

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Saylac oo Laba Maalmood u Xidhan Xaalad Amni-darro, Maamulihii Dugsiga oo la dilay iyo Macalimiinta oo Shaqo-joojin sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SAYLAC (SLpost)- Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Saylac, ayaa muddo dhowr maalmood ah u xidhan sababo dhinaca ammaanka ah, ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta carruurtoodu wax ka bartaan dugsigaasi weerar ku qaaday isla markaana dhaawacyo kala duwan u geystay maamulaha Dugsiygaas xilli lagu gudo-jiray saacadaha waxbarashada, sida ay wargeyska Himilo u xaqiijiyeen maamule ku-xigeenka dugsiga iyo guddoonka waxbarashada gobolka Selal.

saylacLama oga sababta ninkani u weeraray iyo wax ka dhexeeyay maamulka Dugsiga, masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka iyo macalimiinta dugsigu way ku gaabsadeen arrimo shakhsi ah oo ka dhexeeyey ninka weerarka geystay oo Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen, wakhtiganna ku xidhan saldhigga booliska ee degmada Saylac. Halka maamulihii dhaawacyada la gaadhsiiyey loo soo diray dhinaca magaalada Hargeysa oo xaalad caafimaad loo keenay.

Arrintan oo Arbacada todobaadkii hore dhacday, ayaa sababtay in albaabada loo laabo dugsiga isla markaana la hakiyo waxbarashada, ka dib cabsi dhinaca ammaanka ah oo soo food-saartay macalimiinta dugsiga ka hawl-gala oo sida sheegay go’aansaday inaanay dugsiga waxba ka dhigin tan inta laga xaqiijinayo sugidda ammaankooda.

Maamule ku-xigeenka Dugsiga H/Dhexe ee degmada Saylac Waxbarashada Cabdiqaadir Yaasiin Rabbiile oo goob-joog u ahaa weerarka dugsiga lagu qaaday iyo dhaawacyada la gaadhsiiyey Maamulaha, ayaa Himilo uga xog-warramay sida ay wax u dhaceen iyo sababta waxbarashadu ardayda loo hakiyey.

“Nin waalid ah oo carruurtiisu meesha dhigato ayaa na soo weeraray, wuxuuna bud la dhacay maamulihii Iskuulka oo dhaawacyo gaadhsiiyey, dhowr meeloodbuuna wax ka qabaa, laakiin markiiba ninkii waxa qabtay ciidanka, immikana wuu xidhan yahay, maamulihiina xaggaa iyo caasimaddaa loo qaaday,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Yaasiin oo Weriye ka tirsan Himilo khadka telefonka ugu warramay isaga oo ku sugan magaalada Saylac.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey oo yidhi, “Laakiin Iskuulka Khamiistii iyo maanta (Shalay) oo Sabti ah ayuu xidhnaa, Berri Axadda (Maanta) waa la furayaa,” Sidaas ayuu yidhi Maamule ku-xigeenka Dugsigu.

Mar la weydiiyey Sababta kalliftay inay xidhaan dugsiga, waxa uu ku jawaabay, “Annaga oo macalimiinta ah ayaa go’aansannay inaan waxba lagu dhigin iskuulka, maamulka waxbarashada ee gobolka waanu ogeysiinay, waayo magacalimiintu waxay yidhaahdeen waxba kuma dhigi karno meel ammaankeedu sidaas yahay. Waxa kale oonu u tagnay booliska oo ballan-qaaday inay iyagu xil-qaadayaan amnigayaga, waalidiintana sidaasaasnu isla garanay,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Waxbarashada Gobolka Selal, Cawaale Xasan Aadan oo weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Khadka telefonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Saylac, ayaa sheegay in waxbarashada dugsigu maanta oo Axad ah dib-u-bilaabmay ka dib markii shir ballaadhan shalay isugu yimaaddeen masuuliyiin hay’adaha dawladda ee Heer gobolka, Macalimiinta gadoodday iyo Waalidiinta Carruurtoodu dhigato dugsiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Waxbarashada ee gobolka Gabiley oo ugu horeyn sharraxayey sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Xarunta waxbarashada ee gobolku, dugsiga kama dheera oo wuu ku ag-yaallaa. Maalin dhawayd oo saddex cisho laga joogo (Arbacadii) maamulihii dugsiga iyo mid waalidiinta ka mid ahba aisku dhacay, gacanbaa kala gaadhay, ninkiina wuu xidhan yahay oo jeel baanu u diraynaa. Dugsiguna wuxuu xidhan yahay ilaa Khamiistii, arrintaas waxa sababay macalimiintiibaa ku andacooday oo yidhi kol haddii dugsigii lagu laynayo dadkii oo maamulihiina la dilay, annaguna waanu baqaynaa, marka ammaankayaga la sugana waaanu furaynaa ayay yidhaahdeen.”

“Maanta (shalay) wasiirka waxbarashada waanu wada-hadallay, badhasaabka gobolka iyo booliska, macalimiinta iyo waalidkana waan u yeedhay, shir baanu qabannay arrinkiina waanu dhammaynay oo waxaanu isla qaadannay maalinta Berri (maanta) in la furo, wax dhibaato ah oo immika taaganna ma jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka waxbarashada ee gobolka Selal.

Guddoomiyaha Gobolka Selal oo aanu isku-daynay inaanu dhacdadan wax ka weydiinno maadaama oo uu yahay masuulka ugu sarreeya ee Dawladda Dhexe uga wakiil ah masuuladda Hawlaha Gobolka, ayaa gebi ahaanba ak gaabsaday inuu ka hadlay dhacdadan iyo xaaladda gobolku iyo magaalada Saylac oo xilligan biyo-yaraan baahsani ka jirto.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN HALKAN KA AKHRISO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories