HomeDugsiga H/Dhexe ee Jamhuriya oo Abaal-marinno ku taxay Arday Dedaal iyo Karti...

Dugsiga H/Dhexe ee Jamhuriya oo Abaal-marinno ku taxay Arday Dedaal iyo Karti lagu majeertay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jamhuuriya Primary and entermediate School, ayaa munaasibad ballaadhan oo abaal-mariino kala duwan lagu guddoonsiiyey u qabtay Ardayda wax ka barata dugsigaas.

Munaasibadda abaal-marinaha lagu guddoonsiiyey Ardayda oo ku qabsoontay Xarunta Dugsiga oo ku yaalla Xaafadda Qaalib ee Woqooyiga magaalada Hargeysa, waxa ka Qayb-galay waalidiinta Ardayda, Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga, masuuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda hadal kooban oo ku saabsan ujeeddada munaasibadda abaalmarinaha lagu gudoonsiiyey Ardayda ka jeediyey maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jamhuuriya Maxamed Axmed Cali (Jamhuuriya) oo sheegay in maadaama uu bilaabmay sannad-dugsiyeedka Cusub ay maamul ahaan sannad walba abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyaan Ardayda kaalmaha hore ka gasha imtixaanaadka.

Maamule Maxamed Axmed Cali waxa uu sheegay inay dugsi ahaan ay dedaal dheeraad ah geliyaan barbaarinta iyo waxbarista Ardayda maadaama ay gacanta ku hayaan arday da’doodu aad u yar-yar tahay  si u dhammaystiraan marxaladda barbaarinta ee ardayda fasallada kowaad, waxaanu  waalidiinta ardayda kula dar-daarmay inay dhankooda dedaal dheeraad ah ku bixiyaan ka war-haynta ubadka si aanay ugu dhex-lumin gacanta Bareyaasha iyo gacanta waalidka.

Xubno ka mid ah bareyaasha Dugsiga oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay iyo dedaalka ay ku bixiyaan wax-barista Ardayda, gaar ahaan kuwa dugsiga hoose, waxaanay bogaadiyeen dedaal dheeraad ah oo ay xuseen in maamulaha dugsigu ku bixiyo ka-war-haynta ardayda iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa.

Waalidiinta Dugsiga qaarkood oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa sidaas oo kale waxa ay dedaal iyo karti dheeraad ah ku majeerteen maamulka iyo bareyaasha dugsiga H/Dhexe ee Jamhuuriya Primary and Entermediate School, waxaanay halkaas ka ballan-qaadeen inay dhankooda xoojinayaan kaalinta looga baahan yahay.

Gebogabadii munaasibadda, waxa abaalmarinno kala duwan ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaanka ee dedaalka dheeraad ah iyo akhlaaq-wanaagga muujiyeyba guddoonsiiyey maamulka dugsiga iyo saraakiisha ka socotay wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Jamhuuriya Primar and Intermediate School ayaa ka mid ah Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee hoos taga Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland isla markaana lagu dhigo manhajka Waxbarashada Somaliland.

DAAWO SAWIRRADA MUNAASIBADDA LOO QABTAY ABAAL-MARINTA ARDAYDA DUGSIGA JAMHURIYA

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories