HomeDugsi Sare oo laga hirgeliyey Tuulada Suuqsade ee Degmada Sheekh

Dugsi Sare oo laga hirgeliyey Tuulada Suuqsade ee Degmada Sheekh

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Sheikh (SLpost)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Gobolka Saaxil ayaa maalintii Khamiistii xadhiga ka jartay Dugsi sare oo cusub kaasi oo laga hirgaliyay deegaanka Suuqsade isla markaana lagu magacaabay DUGSIGA SARE EE SUUQSADE (Suuqsade Secondary School)

Suuqsade waa tuulo hoostimaada degmada sheekh islamarkaana dhinaca bari kaga began magaalada sheekh, tuuladu waxay hore u lahayd dugsi hoose dhexe oo isaga laftiisu soo maray marxalado kala duwan oo waxbarasho mudo dheer oo ka soo bilaaban tahay aas aaskii Dugsigan 1956-kii oo la dhamaystiray dhismihiisa, Dufcadii u hiraysayna ay ka baxday 1961-kii in kasta oo dib u dhac weyni ku yimid dugsigan, hadana nasiib wanaag waxa wakhti xaadirkan suura gashay in Dugsigaa hoose dhexe loo sameeyo Dugsi Sare oo ay galaan Ardayda Deegaanka ee ka soo baxa Dugsigan hoose dhexe ee suuqsade.

blankDhinaca kalana dugsigan sare  suuqsade waxa uu dhisnaa mudo shan sano ah balse uu macaliimiin la,aan u xidhnaa, balse waxaa furitaankiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada, Odayada Deegaanka iyo ururka sama-wade oo ah urur u dhaq-dhaqaaqa hawlaha kaabista waxbarashada iyo dardar gelinta Bulshada ka habsaantay waxbarashada ee Suuqsade.

Waxaa xafladii furitaanka ee dugsiga lagu qabtay isla xarunta dugsiga halkaas oo ay ka soo qayb galeen wafti balaadhan oo ka kala yimid Gobolada Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex oo ay hor kacayeen Masuuliyiin xilal muhiima ka haya xukuumada Jamhuuriyada Somaliland.

blankWeftigan oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha wax-barashada Gobolka Saaxil, iyo gudoomiyaha wax-barashada ee degmada sheikh, ayaa waxa weftiga si heersare ah u soo dhaweeyey Bulshada suuqsade deegaanka ku ah, isamarkaana casuumad balaadhan ugu sameeyay tuulada suuqsade, Intaa kadib waxaa si habsami leh u bilaabmay xafladii furitaanka dugsiga waxaana ugu horayn halkaa warbixin kooban ku siiyay masuuliyiintii soo qaban qaabisay Xafladan Furitaanka Dugsiga oo uu hogaaminaayey  Gudoomiyaha Tuulada SUUQSADE Maxamed Siciid Diriye isla markaana tilmaamay inaanay dawladu waxba qaban Karin ilaa ay bulashadu wax la qabato, isaga oo ku dheeraaday hadalka waxa uu xusay dhibtii iyo culayskii ay kala kulmi jireen Ardayda uga so baxda Dugsigan hoose dhexe ee ay u diri jireen Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodi-jeex in ay maanta farxad weyn u tahay waalidiinta dhalay caruurtan iyo weliba Ardayda Sannadkan soo baxday oo ka nasiib badan kuwii iyaga ka horeeyey, waxaa kaloo halkaa hadal kasoo jeediyay Xog-hayaha Dawladda Hoose ee Degmada SHEEKH  mudane  Cali   Ahmed   Xaaji C/ laahi  oo isaguna tilmaamay inay maanta guulwayni u soo hoyatay reer suuqsade kana faa,iidaystaan macalimiinta ay bulshada deegaanku u keentay ee ay iyagu jeebkooda ka gunaynayaan ,waxa kaloo uu wasaarada wax-barashada ka codsaday inay u soo dhamaystirto wixii agaba ee ay u baahanyihiin macalimiintani si aanay kala g,o ugu iman habsami u socodka wax-barashada dugsiga , intaa kadib waxaa isaguna hadal dheer goobtaa ka soo jeediyay Gudoomiyaha Degmada Sheekh mudane maxamed ibraahim x. c/laahi oo  tilmaamay inuu isagu si gaara uga masuulyahay iskuulkan xilgaarana iska saari doono sidii dugsigani uu u noqon lahaa mid la tartama Dugsiyada Sheekh iyo saaxil kana soo baxan Arday tayo ahaan iyo tacliin ahaanba aad u sareeya sida ay reer suuqsade caanka ku yihiinba marka loo eego Dugsigan hoose dhexe eek u yaal Suuqsade oo isagu ah mid ka tilmaaman Dugsiyada la filka ah.

blankXafladan Furitaanka Dugsiga oo iyadu ahayd mid ididiilo galisay xukuumada iyo bulshada deegaanka iyo Cid kasta oo ka soo qayb gashayba waxa xusid mudnayd oo aan marnaba la ilaawi Karin sida qiimaha badan ee ay Deegaanka iyo Ururkan Dhalin yarada ee Sama-wade isaga kaashadeen  sidii ay u dhaqaajin lahaayeen hawlahan iyo Agabka uu dugsigu u xanibnaa mudadaa 5-ta Sanno ku dhaw, sidoo kale waxa muuqatay oo talaabadani ay daaha ka fayday in bulshadu wax qabsan karto marka laga tago kaalinta Dawlada.

Waxa kale oo iyaguna halkaa kelmado dhiiri gelin iyo mahadnaq ka jeediyey Goobta  masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Xoghayaha Dawlada hoose ee Gobolka Togdheer mudane: Cali   Cabdi   Xirsi  iyo musharaxa u taagan Golaha Deegaanka ee berbera C/shakuur   maxamed   xassan (cidin).

blankUgu dambaytii waxaa dugsiga xadhiga ka jaray hadal dardaaran ahna ujeediyay bulshada deegaanka islamarkaana shahaado sharaf gudoomsiiyay laba qof oo ka mida bulshadii qaybta weyn ka qaadatay furitaanka iskuulkan Gudoomiyaha Wax-barashada ee Gobolka Saaxil  Mudane :Ibraahin  Digaale  Maxamed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories