HomeDufcaddii u horeysay ka Qalin-jabisay Kulliyadda Cusub ee Tabobarka Macalimiinta iyo Madaxweynaha...

Dufcaddii u horeysay ka Qalin-jabisay Kulliyadda Cusub ee Tabobarka Macalimiinta iyo Madaxweynaha oo ka qayb-galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen 400 (Afar boqol) oo macallin oo ah dufcaddii koowaad ee ka  baxda kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka  ee duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda qalin-jebinta macallimiinta, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay madaxda ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta, masuuliyiinta gacanta ku haya kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka, macallimiinta qalinjabisay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo bareyaasha cusub ee sida gaarka ah ugu takhasustay tebinta cilmiga, laguna hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay macallimiintani qaranka ugu fadhiyaan.

blankUgu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Abokor oo madasha ka hadlay, ayaa si hufan uga hadlay muhiimadda kulliyadda Tababarka macallimiinta qaranka iyo tacabka ay wasaarad ahaan geliyeen sidii ay usoo bixi lahaayeen bareyaal  lagu carbiyey tacliin iyo hab-gudbin da’yarta waxbaranaysa loogu talo galay.

Marwo Saamiya Maxamuud Axmed oo ka socotay Gobolka Sool gaar ahaan God-aallo kuna hadlaysay Afka barayaasha maanta qalinjebiyey, ayaa ka sheekaysay dedaalkii ay dhabar-adaygii ay soo muujiyeen muddadii ay waxbarashadu u socotay, waxana ay ballan qaadday tacliinta la baray ay kula noqon doonaan goobihii kala duwanaa ee ay macallimiintu ka kala yimaaddeen.

Hormoodka kulliyada tababarka macallimiinta qaranka, Mudane Axmed Cumar Quule, ayaa si qoto dheer u sharraxay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay kulliyaddu, waxana uu caddeeyey inuu kalsooni badan ku qabo tayada barayaasha qalinjabiyey, islamarkaana ay yihiin kuwo u qalma in jiilasha cusub ee qaranka usoo kacaya lagu aamino.

Wasiirka wasaararadda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, ayaa dhinaciisa ugu horrayn bogaadiyey bareyaasha maanta ka qaliinjabiyey kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu macallinku leeyahay iyo abaalka aan duugoobi Karin ee ay bulshada ku leeyihiin.

blank

Wasiirku waxa uu sharraxay ujeeddada laga leeyahay bareyaasha la tababarayo iyo nooca macallinka ay wasaarad ahaan doonayaan inuu kulliyadda kasoo baxo, “Tababarkani waxa uu kamid noqon doonaa ruqsadda ama liisanka la siin doono macallimiinta ee lagu doonayo in marka uu dhammaado sannadka  2022-ka inaanu Somaliland wax ka dhigi Karin macallin aan ruqsad haysaninni, waxa ku jirta oo kale inuu xirfadda togan ee wax-dhigista yaqaanno (Teaching methodology),” ayuu yidhi wasiir Axmed Maxamed Diiriye.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadin iyo hambalyeyn kaddib guul iyo yool uu qaranku lahaa oo la gaadhay ku tilmaamay inay soo baxaan barayaashii sannado ka hor loo furay kulliyaddu, isaga oo tababarkana ku tilmaamay mid lagu soo saarayo macallimiin xirfad sare leh oo soo saaraya arday dhinac walba ka dhisan.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay bahda waxbarashadu qaranka u leedahay iyo sida ay laf-dhabarta ugu yihiin horumar kasta oo la gaadho, “Waxaynu qiraynaa in bahda waxbarashadu yihiin halka dalku ka dhismayo ee mustaqbalkeennu ku jiro, taana waxba ka hagran mayno, wax danteennu reebto mooyaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey barayaasha ka qalinjebiyey kulliiyadda tababarka macallimiinta qaranku, isaga oo dhinaca kalena dhagax-dhigay dhismeyaal cusub  oo hoy seexasho u noqon doona macallimiinta kulliyadda.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories