HomeDufcaddii kowaad oo ka Qalin-jabisay Jaamacadda Hablaha Ee Barwaaqo University iyo Madaxweyne...

Dufcaddii kowaad oo ka Qalin-jabisay Jaamacadda Hablaha Ee Barwaaqo University iyo Madaxweyne Biixi ka Qayb-galay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)-madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qaybgalay qalin jebinta Jaamacadda Barwaaqo University Oo Ku Taalla Deegaanka Baliga-cas Oo Jihadda Waqooyi Ka Xigta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Lagu qabtey munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 16 Hablood Oo Ka ah dufcadii koowaad ee Jaamacada Barwaaqo ka baxda.

Waxaana madashaa madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, taliyaha ciidanka booliska, agaasimaha shaqo qaran gudoomiyaha guddida tamarta, maareeyaha wakaalada biyaha, madaxda iyo macalimaiinta jaamacada barwaaqo iyo waalidiinta ardayda qalin jabisay.

blankUgu horay, waxa halkaasi ka hadashay maamulaha cusub ee dugsigaasi loo soo magacaabay marwo Joy Isa, waxa iyana halkaa ka hadashay Nimco Axmed Ismaaciil oo ah ardaydii ugu horaysay ee waxbarasho dibedeed uu dugsiga abaarso ugu diro dalka maraykankanka wakhtigana ka mid ah masuuliyiinta jaamacada barwaaqo, waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Rob Kaofman oo ku hadlayey afka agaasimaha abaarso network oo ku sugan dalka maraykanka iyo Xayaad Carte oo ah aas-aasaha barnaamijka sahamiye oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada jaamacadan iyo dugsiga abaarso ay u leeyihiin bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad muhiima ayaa yidhi “Maanta waxay ka mid tahay Maalmaha aan aad u faraxsanahay, Xafladda aynu nimi farxada aan ku faraxsanahay waxay ka turjumaysaa, waa markii ugu horaysay ee hablo macalimiin loo tababaray oo loo soo diyaariyey inay dadka wax baraan iyagoo gaara iyo Jaamacad u gaara oo ay leeyihiin waa markii ugu horaysay ee aan kasoo qeyb galo taariikhdayda, waana arrin guul u ah inta Af-Somaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan Somaliland qarankeeda rag iyo dumarba, waana mustaqbal ifaaya oo dalkeena maanta u bilowday inaynu helnay qeyb ka mida dalkeena dadka ku nool ay yeeshaan Jamaacad u gaar ah”.

Madaxweynaha oo khudbadiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland haddaynu nahay waxaynu u baanahay in mashaakilka ina haysta qaarkood isla fahano, waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay”.

Sidoo kale madaxweynaha uu yidhi “Waxaynu u baahanahay inaynu aqoonta qaadano, waxaynu u baahanahay inaynaan noqon dad fuleyaal ah oo haddii ay cidd murmaanba iyaga laga adkaanayo inaynaan baqqe ka dhigin caruurteena ninka ay murmaanba inuu duufsanaay, Soomaaliduna waa ku adagtahay diinteeda”.

Madaxweynaha oo ugu danbayntiina shahaadooyin gudoonsiiyey hablihii ka baxay jaamacada Barwaaqo ayaa ku dhiirigeliyey waalidiinta inay ka faa’iidaysataan waxbarashada loogu keenay dalkooda oo aanay dhegeysan kuwa dacaayada la daba-jooga dugsiga Abaarso iyo jaamacadiisa Barwaaqo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories