HomeDufcaddii 12aad oo Maanta ka Qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa

Dufcaddii 12aad oo Maanta ka Qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Dufcaddii 12aad oo tiradoodu dhan tahay 930 arday ayaa maanta ka qalin jabiyay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda iyo Laba kulliyadood oo heerka labaad ah.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiiro, Xildhibaanno iyo hogaanka xisbiyada qaranka ayaa munaasibadda qalin jabinta kala qayb galay Ardayda maanta qalinjabisay.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, oo ugu horayn madasha ka hadllay ayaa sheegay in jaamacadda Hargeysa sanad ba sanadka ka dambeeya ku talaabsanayso horumar, isagoo sheegay inay tayo ahaan iyo ujeedo ahaanba ka duwan tahay jaamacadaha kale ee dalka ka jira.

“Jaamacadda Hargeysa maxay kaga duwan tahay jaamacadaha kale? Waxa weeye Boodh ay leedahay Waddooyinka kamaynaan arag, xayaysiin ay leedahay Tv-yada kamaynaan arag, haddana dadku way ku soo hoobanayaan. Sababtu waxa weeye, Jaamacadda Hargeysa maaha mid ganacsi loo furtay ee waa mid loo furay danaha dadka reer Somaliland, waxayna qaabishaa ardayda ka timaada gobolada dhammaan. Waxay ardayda siisaa qiimaha ugu jaban ee arday wax ku baran karo, Lacagta laga qaado ardayda jaamacadda Hargeysa maaha mid jeeb gaar ah ku dhacda ee waa mid iyaga dib loogu celiyo. Macallimiinta wax ka dhigtaa waa kuwo tayo leh oo xul ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa oo munaasibadda ka hadlayay.

 

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka ahna gudoomiyha golaha sare ee jaamacadda ayaa isaguna madasha ka hadlay, xusayna in ardayda ka qalinjabinaysa jaamacaddani ay nasiib u leeyihiin in ay ka baxeen jaamacad tayo leh oo qiimo weyn ugu fadhida qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in jaamacadda Hargeysa ay ku faanayso ardayda dalka horumarkiisa ka qaybqaadata ee ay soo saaraan.

 

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey ardayda qalin jabisay iyo macalimiinta wax soo baray waxaannu sheegay in sanad walba ay sii kordhayso tirada wax baranaysa, islamarkaana ardaydani dedaal badan muujiyeen “ Maadaama aynu waxbarashadii xoogga saarnay oo dalkeena intaas oo jaamacadood ka furan yihiin waxaanu jaamacadaha kala shaqaynaynaa sidii arday tayo leh loo soo saari lahaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaan ku farxayaa qof kasta oo reer Somaliland ah oo joogay 1991 markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay halkaynu maraynay iyo halka maanta aynu marayno. Waynu is canaananaynaa uune waxaynu maraynaa meel Illaahay loogu mahadnaqo. Waxaynu haysano dad badan oo Islaam ah iyo walaalaheena Somalia ma haystaane waxa inaga dhiman uun yaan la eegine waxaynu qabanayna ha la eego,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.

qj12

Guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in ay jaamacadda Hargeysa tahay jaamacad tayo leh oo soo saarta arday taabogal ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay ammaanayna ardayda ka soo baxda sharciga oo door muhiim ah ka qaata bahda garsoorka ee dalka.qj5

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo lagu majeeranayo in uu wali waxbarashada heerarka sare ku dhex jiro dhawr jeer oo horena ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa, dhawaanna ka qalinjabin doona qaybta shahaadada heerka Labaad ayaa dardaaran mug leh u soo jeediyay 930 ka arday ee qalinfulaysay maanta.qj11

Maayarka caasimadda Hargeysa iyo hogaanka saddexda xisbi qaran ayaa iyaguna hadallo dhiirigalin, hambalyo iyo dardaaran ah u soo jeediyay ardaydii badnayd ee halkaa ka qalinfulaysay.

xubno ka mid ah hogaanka xisbiyada, duqa Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo munaasibadda ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay wadaan dedaalka waxbarasho, iyagoo uga digay inay dalkooda ka tahriibaan.

qj3 qj1 qj2 qj3 qj6  qj7 qj9 qj10 qj11 qj12

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories