HomeDufcaddii 12aad ee Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka Oo Ka Qalin-jebiyey Xirfado Lagu...

Dufcaddii 12aad ee Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka Oo Ka Qalin-jebiyey Xirfado Lagu Baray Xarunta SAHAN

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost) – Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore halkaa loo geeyay.

Xarunta SAHAN oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, ayaa lagu daryeelaa Dadka qaba xanuunnada dhimirka, iyadoo looga yimaaddo dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka (Labanka), Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.

blankSannad kasta waxa Cusbitaalka Sahan Illaahay Caafimaad ka siiyaa dad tiro badan oo bulshada dib ugu noqda iyagoo bad-qaba isla markaana xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagi karaan soo bartay.

Sidaasi darteed, Dufcaddii 12-aad ee inta ay bogsadeen, la baray Xirfadahaa kor ku xusan, ayaa toddobaadkan Xaflad Qalin-jebin ah waxa loogu qabtay isla gudaha Cisbitaalka SAHAN oo ay muddo ku jireen.

blankMunaasibadda Qalin-jebinta ah, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraha Waxbarashada Axmed Abokor, Ciyaaraha Maxamed Siciid Khaawi,  Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga, xubin ka socday Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Siyaasiyiin Dhakhaatiir, Waalidiin iyo Maamulka Xaruntaasi.

Xubno ka mid ah waalidiinta iyo Qoysaska Dadka Xarunta ku jira oo munaasibadda ka hadlay, ayaa maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada xaruntan lagu daryeello Dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaanay ku baaqeen in xukuumadda iyo bulshaduba taageero ku garab-istaagaan Cusbitaalka Sahan.

blankAgaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mid ah Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, Macalimiinta iyo Dhakhaatiir halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay ahmiyadda xaruntani u leedahay Dadka iyo dalka, waxayna Maamulka xaruntaasi ku bogaadiyeen dedaalka ay galiyeen horumarinta Xarunta.

blankblank“Bashiir iyo taageerta Illaahay ha garab-galo, shaqo culus oo aad iyo aad u muhiim ah ayay hayaan. Dadka halkan wax ku bartyna waan bogaadinayaa. Haddii ay rabaan inay aqoontooda sii kordhiyaan, wasaaradda Waxbarashadu waxay diyaar u tahay inay taageerto. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo, waxay mar kasta diyaar u tahay in muhiimadda la siiyo Arrimaha Bulshada. Markaa, iyadoo taa laga duulayo, waxaanu idinkala qayb-qaadan doonnaa horumarinta Xaruntan,” Waxa sidaas yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor

blank“Aniga oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa iyo ka Maayarkaba, waxaan halkan ka ballan-qaadayaa wax kasta oo macquul ah oo aanu xaruntan ka qaban-karayno inaanu ku taageerno,” sidaas waxa ballan-qaaday Xildhibaan Maxamed Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda.

blankWasiirru-dawlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Dawladda iyo Dadweynaha Somaliland ugu baaqay in la isgarab taago Xarunta SAHAN oo uu tilmaamay inay hawl muhiim ah Dadka u hayso.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Guddoomiyaha, ahna aasaasaha Cisbitaalka SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay, waxaanu sheegay inay Maamul ahaan dedaalka lagu horumarinayo xaruntaasi ay sii wadayaan, isagoo Laamaha Dawladdana u soo jeediyey inay gacan ka geystaan sidii xaruntu u sii wadi lahayd Daaweynta iyo daryeelka Dadka qaba xanuunnada dhimirka.

blank“Xarunta Sahan waxay ku jirtaa sannadkii 10aad, waxa soo maray dad ka badan 50-kun qof oo kala kala keenay dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba oo ay ku jiraan dad ka yimi dalalka deriska ee Ethiopia, Soomaaliya iyo Jabuuti.

blank“Sahan waxay ku tiirsan tahay afar tiir oo wax-ku-ool ah. Midi waxa weeyi barnaamij dadkaa naftood-hurayaasha ah ee aan anigu hormuudka u ahay. Ka labaadna waxa weeyi dadkaa waalidiinta ah ee dadkooda nala caawinaya. Ka saddexaadna waxa weeyi dhakhaatiirta Sahan oo iyaga laftoodu naftood-hurayaal ah. Waxa soo raaca tiir afraad oo ah ka dowladda oo gacan taageero na siisa; hadday yihiin Wakaaladda Biyaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Waxbarashada oo iyagu dhankooda dedaal ka wada.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Sahan, Bashiir Maxamed Jaamac.

blank
https://sahanhospital.com

Masuuliyiinta ka socday Xukuumadda Somaliland, dhakhaatiirta iyo Waalidiinta dhalay Dadka ka bogsaday xanuunnada dhimirka, ayaa waxay kormeereen qaybaha ay ka kooban tahay iyo dhismayaal hadda shaqadoodu halkaa ka socoto, kuwaasi oo lagu kordhinayo Cisbitaalka SAHAN ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Gebo-gabadii waxa uu maamulka cusbitaalka Sahan munaasibadda ku daah-furay Website ama Mareeg cusub (https://www.sahanhospital.com) oo ay hirgeliyaan, taas oo lagu keydiyey macluumaad la xidhiidha wax-qabadka iyo adeegyada cusbitaalka, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay iyo xogo ku saabsan xannuunka dhimirka iyo sida loola tacaalo.

blank blank blank blank blank blank

WARKAN OO MAQAL IYO MUUQAAL AH KAGA BOGO VIDEO-GA HOOSE

Ugu dambayntii, waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda cusbitaalka ka najaxday oo halkaas kaga markhaati-kacay waxtarka ay ka heleen Cusbitaalka Sahan iyo hab-dhaqan suubban oo ay kala kulmeen hawl-wadeennada iyo Shaqaalaha Xarunta muddadii ay ku sugnaayeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories