HomeDucaddii Aan ka Guntay Ayeyday Faadumo. W/Q. Khadar Gureyte

Ducaddii Aan ka Guntay Ayeyday Faadumo. W/Q. Khadar Gureyte

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Hordhac:

Sida aynu ka warqabno Soomaalidu muddo dheer oo taariikhdeeda ah marka laga sheekaynaayo waxa ay ku aroortaa in ay ahayd dad xoolo dhaqato ah oo u badan reer guuraanimo, isla mar ahaantaana aanay waayaddii hore aqoon badan u lahayn dhinaca diinta maadaama oo aanay waxba ka aqoon afka Carabiga, barashada diintuna ay kuba yarayd, balse iyada oo ay taasi jirto hadana waxa ay si caadi ah u gudan jireen waajibaadkooda Alle intii Eebe ka garadsiiyo.

Inta badanna xilliyada ay ducaysanayaan waxa duco iyo Alle bariba ay Weynaha wax kaga dalbi-jireen oo ay ku baryi-jireen afka Soomaaliga maadaama oo aanay aqoon badan u lahayn in afka Carabiga ay Roonaha wax ku weydiistaan, se hadana marka aad u fiirsato ducooyinka laga soo tebiyo dadkii hore ee Soomaalida, waxa ay ahaayeen kuwo aad qaarkood odhan karto waxa laga soo dooriyey ducooyinkii  ka sugnaaday Xabiibkeennii Muxamed(SCW) ee uu mar walba ku hoos hoorsan jiray Naxariistaha Naxariista badan(Isaga ayaa xumo ka saafi ah oo kor ahaayo).

Hadaba sida aan ka guntay ayeyday Faadumo Jaamac Bursuug oo ah ayeyday Hooyo ahna islaan eyni ah oo hada da’deedu tahay 78 jir, ayaa waxa aan mar walba arkaa iyada oo ku ducaysanaysa ducadan Soomaaliga ah oo run ahaantii aniga aad ii soo jiidatay, mar kasta oo ay ku ducaysanaysana aan aamiin ka dabo idhaahdo, sababta oo ah waa duco af Soomaali ah oo ka dareen iyo fahmidda macnahaba ka dhow afka Carabida, isla mar ahaantaana waxaaba hadda caado iyo dhaqan ii noqotay in aan adeegsado ducadan af Soomaaliga ah aniga oo gacmaha hoos hoorsanaya Eebaha Naxariista badan ee cid walba U Naxariista.

Ducaddii Ayeyday.

Bis-millaahi Raxmaani Raxiim

Allaahumma Salli-callaa Muxamed

Ash-haddu Allaa Illaaha Illallaah,

wa ash-haddu anna-Muxamedun Rasuulu-Laahi

Salla-Laahu caleyhi wa-sallam

Bellaayooy beydh oo naga beydh

Teeda dheer iyo teeda dhowba Illaahow naga du’

Illaaha waaxidka ahow, Illaaha quwada lahow

Illaaha weyn ee aan Illaah kale jirinoow

Illaaha kali ah ee kaafiyey aduunkoow

Illaahow waxa aanu kaa baryeynaa

In toddobada naarood hirkooda, hummaagood, qadhaadhkooda iyo qudmuunkooda

Midna in Aanad na tusin

Juuc iyo Jahannamo Illaahow naga aragti dheeree

Jidka Siraad Illaahow siyaaro qafiif noo dhaafi

Illaahow maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay ee buuqa weyn Illaahow noo bushaaree

Illaahow maalinta la is xisaabayo noo xil-qari

Illaahow maalinta bacadka kulul biyo qabow na sii

Illaahayow inta kayr keyrta ee kurbata e’ kalaanka Alle seegta ee aan kubka weyso loo marin ee kufrida ee shaydaanka halleeyo ee naarta loo dereeriyo Illaahow intaa ha na raacin

Illaahayoow intaa ha na raacin, Illaahayoow naga reeb, Illaahayoow naga reeb

Illaahayoow inta albaabada Jannada loo ballaqo ee lagu xareeyo ee jannada Fardowsa iyo Rooda ka qeyb-gasha ee liibaanta hesha Illaahayoow nagu dar

Illaahayoow nagu dar, Illaahayoow nagu dar dhammaan Muslimka oo idil intii dhimatey iyo inta noolba.

Meytaatkii intii innagu xurmo, xaq iyo xusuusba lahayd ee nasab keenay, nikaax keenay e’ Xaawa iyo Aadam ugu horreeyeen ee Nebi Muxamed u horreeye e’ Aabaheen iyo Hooyadeen, ehelkeen iyo weli buur ku aasan iyo weli bannaan yaal naxariistiisii janno Illaahay ha siiyo, Illaahay naarta ha ka nabad-geliyo Meytaatkii(Waalidiintii).

Illaahayoow u ducaynayee u hanuuni, aradka ayaanu uga ducaynee, samada uga aqbal, qudh-qudho caano ah Illaahayoow uga yeel, qabaallo subagga Illaahayoow uga yeel, qaalmo igadha oo aan gaagaxin, oon gamashiyin, harraati, habeed, car car iyo candho barar midna aan lahayn oo sida malabka u da’a Illaahayoow uga dhig, Illaahayoow uga dhig,

Maalintaan maqaamkooda ku tukaney ee aakhiro nooga horeysay, ifkana nooga dambeysay Illaahayoow annagana nooga dabo naxariiso.

Illaahayoow yaanan kayr, keyrin, kurban oo aanan kalaanka Eebe seegin, Illaahow sowdka san na waafaji, sallaada waxa aanu garan weyno noo garo, wixii kalena Illaahow noo toosi oo tiiri, Illaahow noo tiiri, Illaahow noo tiiri, Illaahow noo tiiri.

Illaahow Muslimka isu sakhir, Illaahow dekadda wax kheyr leh nooga soo deji, dawladdana dawlad kheyr roon noogga dhig, innamo khayr qaba oo diinta saami ku leh oo qolo-qolada Alle ka saaro oo aan kala rudhin oo aan la kala roorin oon is qolo-qoleyn Illaahayoow noogu dhiib.

Faataxa, xadratul Nebi, xabiibi Muxamed, barrax yaa Ibleys, turux yaa Malaa’ika , Illaahow naga aqbal oo naga ajiib, aradka ayaanu ka duceynayee Illaahow samada nooga aqbal, aamiintayada iyo aamiinta Malaa’igta Illaahayoow is waafaji. Amiin amiin yaa Rabbi, yaa Rabbi.

 

Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)

khadargurayte@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories