HomeDUBUR: Shirweynihii Beesha Ciise Muuse oo si habsami ah u socda iyo...

DUBUR: Shirweynihii Beesha Ciise Muuse oo si habsami ah u socda iyo nuxurka hadalladii goobta ka yidhaahdeen Ergooyinkii ka qayb galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubur (SLpost)- Shirkii Beelaha Ciise Muuse ee maanta uga bilaabmay Deegaanka Dubur oo ayaa si habsami ah uga socda deegaankaas, waxaanu shirku ka bilaabmay goob la diyaariyey oo maalmihii u dambeeyeyba lagu hawlanaa loona sii Qorsheeyey.

Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay DAN IYO DUCO waxa loo qorsheeyey inay ka soo qayb-galaan Siyaasiinta, Salaadiinta, Cuqaasha, Madax-dhaqameedka, Qurbajoogga, aqoonyahanka iyo Dhammaan qaybaha kala Duwan ee Beelaha Ciise Muuse iyada oo haddana ay jiraan Masuiliyiinta Dawladda ka tirsan iyo xubno ku jira axsaabta siyaasadda ee dalka.

Masuuliyiinta dawladda ee shirka ka qayb-galay waxa ka mid ah Wasiirka Qorshaybnta Qaranka Sacad Cali Shire, Halka Xisbiga UDUB ay ka metelaan Madaxweyne kuxigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yusuf Yaasin,  Wasiirkii Hore Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamud (Gadhweyne) oo beesha ka tirsan,  Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan C/qadir Suldaan C/raxman, Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cisman Suldaan Cali Kooshin, Chief Caaqil Geedi Saleban Ismaciil , Suldaan Sayid Aw jaamac, Caqil Cabdi Maxamed Cigaal iyo Madax dhaqameed kale oo tiro Badan.

Maayarka Degmada Sheekh oo Madasha ka hadlay ayaa Dadweynaha shirka ka soo qaybgalay ka codsaday in Amniga goobta aad loo ilaaliyo, dhammaan Dadkuna ay noqdaan Security si shirku qaabkii loogu talo galay ugu qabsoomo, wuxu sheegay Maayarku in Deegaankani yahay mid hoos yimaada Degmada Sheekh isla markaasna uu yahay Deegaan Qabow oo amni la isku hallayn karo uu ka jiro.

Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan C/qadir Suldan C/raxman ayaa isaguna Furitaankii Shirkan ka hadlay waxaanu sheegay inaanu Shirkani ahayn mid lagu waxyeelanayo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, isla markaasna aanu ahayn mid Beeshu kaga Tashanayso kooxo gaaar ah oo aan beesha ku jirin, balse uu yahay shir ay Beeshu kaga tashanayso aayaheeda iskuna Baranayso, maadaama anu jirin sharci u diidaya in Beel waliba Gaarkeeda u shirto kana tashato aayaheeda iyo mustaqbalkeeda.

Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cisman Suldaan Cali Kooshin ayaa isna aad ugu mahadnaqay Guud ahaanba Ciddii ka soo qaybgashay Shirkan iyo weliba Ciddii Qabanqaabadeeda lahayd, waxaanu sheegay Suldaanku in shirkani uu noqon Doono kii Beesha oo dhan isu keeni lahaa, la isku baran lahaa, la iskuna wada saamixi lahaa haddii ay qaar ka  mid ah beesha waxoogaa yaryari ka dhexeeyeen, laguna Bilaabi Doono Duco labada maalmood ee horena la Ducayn doono.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Furitanki shirka isna kelmadiisa ka jeediyey Shirka ayaa  sheegay in isagoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Somaliland kana wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somalilan Axmed Maxamed Maxud Siilaanyo ay Dawladdu Taageersantahay shirkan, kana hor iman, isla markaasna aanay marnaba dhacayn in Dawladdu ka hor timaado  Shir aan wax lagu duminayn ee wax lagu dhisayo oo ummada iyo qarankaba dan u ah, waxaanu sheegay in shirkani noqdo mid qaranka iyo Beeshaba wax u soo Kordhiya ee Aanu noqon mid wax u dhima Karaamada iyo Amniga Qaranka.

Shirka oo weli socda Soconna Doona Maalmaha soo socda iyo Saacadaha Soo socdaba waxa Shirka Shahaado sharaf lagu maamuusayo lagu Guddoonsiiyey Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo uu Guddoonsiiyey Suldaan ka Guud ee Subeer Awal Suldan Xasan, iyadoo shahaada sharaftana uu ku mutaystay Dadaalkii iyo Taageeradii Ballaadhnayd ee uu u muujiyey Shirkani, Sida ay sheegeen Guddiigii Qabanqaabada SHirkani.

Wixii War ah ee ka soo kordha kala soco Shabakaddan SomalilandPost

Somalilandpost.net

Maxamed Xasan Siciid

Deegaanka Dubur, Sheekh

Gobolka Saaxil, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories