HomeDublomaasiyiin Iyo Suxufiyiin Caalami Ah Oo ka faallooday Socdaalka Weftiga Maraykanku ku...

Dublomaasiyiin Iyo Suxufiyiin Caalami Ah Oo ka faallooday Socdaalka Weftiga Maraykanku ku yimaaddeen Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Diblumaasiyiin Maraykan ah, ayaa ka hadlay Safarka Weftiga ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanku ku yimaaddeen Somaliland.

Diblumaasiyiinta ka hadlay Weftiga Maraykanka ah ee ku sugan Somaliland, waxa ka mid ah Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Tibor Nagy,

blank
From Right: Tibor Nagy and George Anderson

Ambassador Tibor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland.

Nagy wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaasi darteed Weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin Socdaallada xaqiiqo-raadinta ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale.”

Nagy wuxuu sheegay in Weftiga Maraykanka ahi ay bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo Xaaladaha Somaliland “Waftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah..” ayuu yidhi.

Sidoo kale, John Rosenberg oo ah khabiir ku takhasusay amniga qaranka Maraykanka iyo Afrika oo ku sugan Washington, ayaa isaguna ka hadlay Weftiga ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka ee socdaalka ku yimid Somaliland.

John Rosenberg oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay inuu arko Wefti ka socda Koongarayska Maraykanka oo socdaal ku tagay Somaliland “Waa wax lagu farxo inaynu  aragno Weftiga Kongarayska Maraykanka ee Somaliland safarka ku tagay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Tallaabadani u wanaagsan tahay go’aan qaadashada Maraykanka ee ku waajahan dhinaca Siyaasadda Afrika, isagoo xusay inuu sugi kari la’yahay ama degdegsanayo inuu maqlo War-bixinta Weftiga Maraykanka ahi ka soo saari doonaan Safarkooda Somaliland “Ma sugi karo inaan maqlo war-bixinta safarkooda..” ayuu yidhi John Rosenberg.

Sidoo kale, waxa isla arrintan ka hadlay George Anderson oo ah Weriye Madaxbanaan iyo Cilmi-baadhe.

Qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Twitter-ka, ayuu ku sheegay in Somaliland tahay dal la tijaabiyey, kaasi oo 30-kii sanadood ee u dambeeyay u socday dhinaca horumarka ”

Waxaa la tijaabiyay xirfadda diblomaasiyadeed Somaliland, hoggaaminta iyo kartida Somaliland, waxaana la caddeeyey inay tahay meel sare” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray ”

Somaliland, 30-kii sano ee u dambeeyay waxay ku socotay oo ay qaadaysey Tlaabooyin is daba joog ah oo ku wajahan sidii loo aqoonsan lahaa..”

Weriye George Anderson, waxa kale oo uu qoraalkiisa isku barbar-dhigay Somaliland iyo Somaliland, waxaanu sheegay in halka Somaliland ay horumar ku socotay 30-kii sanadood ee u dambeeyay, ay Soomaaliya dhoobada ku dheganayd “Koonfurtu (Soomaaliya) weli waxay ku dheggan tahay dhoobada” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in muran ka taagan tahay xilliga la qabanayo doorashada Soomaaliya, taasi oo muujinaysa halka Soomaaliya marayso ama Xaaladdeeda runta ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories