HomeDUBAI: Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Jaaliyadda Somaliland...

DUBAI: Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Kulan Ballaadhan la Qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku Dhaqan Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Md Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo socdaal shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Dubia, waxaanay kala hadleen sidii la iskugu xidhi lahaa dedaaladda xukuumadda iyo qurbo-jooga oo ah danjireyaal kaalin togan ka qaadan kara iibgeynta qaddiyadda madax-banaanida Somaliland.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, waxa Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Caafimaadka  oo ka hadlay kulankaasi, waxa  ay uga xog-warameen Jaaliyadda xaaladda guud ee dalka, iyaga oo xusay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waddo dedaalo la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, taabo-gelinta adeegyadda daruuriga ah ee bulshadda.

wasiirroWasiirradu waxay qurbo-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka carabta ay uga mahad celiyeen kulanka balaadhan ee ay ku soo dhaweeyeen weftiga, waxaanay u soo jeediyeen inay xoojiyaan midnimadooda si ay quwad u yeeshaan dedaaladoodu.

Maxamed Biixi Yoonis iyo Saleebaan Ciise Axmed waxay qurbo jooga ugu baaqeen inay dhinacooda ka qeyb qaataan qadiyadda aqoonsi raadinta oo ay sheegeen inay tahay waajib qaran oo muwaadin kasta kaalin ka qaadan karo.

Sidoo kale, xubno ku hadlayay magaca jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wasiirrada u soo jeediyay tallooyin kala duwan oo la xidhiidha siyaasadda dibadda iyo gudahaba, waxaanay soo dhaweeyeen mashaariicda Xukuumadda Siilaanyo dalka ka hirgelisay muddada saddexda ah ee ay talada dalka haysay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories