Home'Dual Track Policy' Saamayn Ma Ku Heelan Karaa Hannaanka Beesha Caalamku Somaliland...

‘Dual Track Policy’ Saamayn Ma Ku Heelan Karaa Hannaanka Beesha Caalamku Somaliland Ula Macaamisho – W/Q: Cabdilaahi Caarshe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CaarsheDual Track Policy, waa formula ama nidaamkii ay dowlada maraykanku deeqa dhaqaale ugu qayb jirtey maamulada ka dhisan soomaliya oo ay ku jirto Somaliland oo labaatankii sanadood ee ugu danbeeyey ahayd dawlad madax banan, kuna tallaabsatay horuumar aan ka hirgelin qaybaha kale ee soomaliya.

Hadaba todobaadkii ina dhaafay waxay dowlada mareykanku Washington ku qaabishay hoggaamiyaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  oo ah hoggaamiya ay dalkiisa aafeeyeen dagaalo sokeeye, budhcad-badeed iyo argagixo, waxaana aqalka cad u qaabiley madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama, ka dib qaabilaadii madaxweynaha mareykanka, hadana waxaa telefishanka ka soo wada muuqday hoggaamiyaha Soomaliya iyo xogyaha arrimaha dibedda mareykanka Hillary Clinton, waxayna ku dhawaaqday in ay dowlada taagta daran ee Soomaliya ay siisay aqoonsi caalamiya, sidoo meeshana lagaga saaray nidaamkii Somaliland iyo Soomaliya wax loogu qayb jirey oo ahayd nidaamka loogu magac daray ”Dual Track Police”.

Tan iyo markii ay dibedda u soo baxaday in ay dowladda mareykanku aqoonsi siisay dawladda soomaliya, waxay dad badani is weydiinayey saamaynta ay arrintaasi Somaliland ku yeelan karta mustaqbalka iyo aayaha gooni-isu-taagan jamhuuriyadda Somaliland.

Haddii aan arrintaa aan kor ku xusay iyo dareenka ay dadweynuhu iska weydiiyeen aqoonsiga uu mareykanku siiyey dowlada soomaliya, jawaabtu waxay noqonaysaa waa maya Somaliland saamayn kuma yeelanayso heshiishkii deeqa mareykanka lagu siin jirey Somaliland iyo soomaaliya, sababtana waxa weeye in aynu is weydiino maxaynu ku qabney dowlada mareykanka oo ay ina siin jirtey? Marka aynu taas ogaano ayaynu qiimayn karnaa saamaynta ay arrintani ina ku yeelan karto.

Bal aan si kooban u sheego dhaqaalaha aynu ka helno dowlada mareykanka, marka aynu xaqiiqda ka hadalno ma jirto dhaqaale muuqda oo ay dawladda mareykanku siiso Somaliland, marka laga tegi waayo dowlada mareykanka waxaa ina ka soo gaadha waxaa loo yaqaano (small Grant), taasoo ah wax fara cididood ah oo la inoo ka soo daba ka dhiibo hay’adda mareynka ee US/AID, waxaa yare ee ina ka soo gaadha dowladda mareykan ayaa ah wax aan waxba inoo tarin wax la sheegona aan inoo qaban.

Hadaba Somaliland waxba kama bedelayso aqoonsiga ay dowladda mareykanku ay siisay hoggaamiya Soomaliya Xasan sheekh Maxamuud, deeqa yar yar  ee ay dowlada mareynaku siin jirtey Somaliland iyo Soomaliya, maaha mid Somaliland meel u buuxinaysa dowladda Mareykanku ha ogaato in ay Somaliland tahay qaran madax banaan ee aanay ka mid ahayn maamul goboleedyada burbursan ee ka jira soomaliya (Sub-states).

Somaliland waa dowlada jirta jireysana, shacabkana waxaa looga baahan yahay in ay ogaadaan in aanay Somaliland wax saamayn ah ku yeelanayn aqoonsiga la siiyey hoggaamiyaha Soomaliya oo ku nool Muqdisho oo ah magaalada ugu cabsida badan adduunka, lamina odhan karo aqoonsi rasmi ah ayuu siiyey mareykanku Soomaliya, sababtuna waxaa weeye dalka waxqabsaday oo diyaar u ah in wax lala qabto oo nabadgelyo ka jirto ayaa aqoonsi la siiyaa, balse aqoonsi lama siiyo dal hoy u ah argagixiso iyo dagaalo sokeeye.

Aqoonsiga ay dowladda mareynaku sheegtay in ay siisay waxay ku xidhan tahay sida ay nabadgelyo uga islaaxdo Soomaaliya, taasina maaha mid waqtigan muuqata in ay ka hirgelisayso Soomaliya, caasimada soomaliya ee muqdisho waa magaalada ugu khatarta badan dhinaca saxaafadda, sanadkii la soo dhaafay waxaa lagu dilay in ka badan 20 weriye, taasoo ah mid aan adduunka ka dhicin.

Gunaanad

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga in aanay Somaliland wax saamayn ah ku yeelan Karin aqoonsi gaaban ee la siiyey dowladda taagta daran ee ay gaadhka ka hayaan ciidamada ilaalada midowga Afrika ee AMISOM, dowladda somalilandna waxaa looga baahan yahay in ay sii laba jibaarto dedaalka ay ugu jirto sidii ay beesha caalamku ay aqoonsi u siin lahayd.

Abdillaahi Ahmed Arshe

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories