HomeDr Maxamed Xaaji Cali oo Sheegtay in Looga Tanaasulay Musharaxnimada Madaxweyne-xigeen ee...

Dr Maxamed Xaaji Cali oo Sheegtay in Looga Tanaasulay Musharaxnimada Madaxweyne-xigeen ee Xisbiga WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)- Munaasibad aad u bilan oo dhammaanba siyaasiyiinta hanka uu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI ay ugaga tanaasulayeen Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotel Safari ee magaalada Hargeysa.

Waxaana madashan ka soo qeyb-galay Murashaxa jagada madaxweyne xigeen ee loogga tanaasulay tartanka golaha dhaxe ee xisbigaasi Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, siyaasiyiinta u tanaasulay oo uu horkacaayo Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec, Siyaasiga weyn ee Xasan Codyare, wasiiro hore uga tirsanaan jiray xukuumaddii Daahir Riyaale, Danjireyaal, Madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyna waxa madashaasi ka hadlay, guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga WADDANI Pro.Qaasim Saleebaan Tubeec oo hore uu han uga hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, waxaana uu halkaas isaga oo horkacaaya siyaasiyiin kale oo aad u tira badan oo iyagana han ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbigaasi, uu ku dhawaaqay in ay u tanaasuleen murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Xaaji Cali.

“Haddii aydaan kuwiina yar yari ogeyn, dalkan aynu joognaa tanaasul ayuu ku dhismay, waxaana farxad weyn ii ah in caawa(xalay) aan walaalkay Dr.Maxamed Cali uga tanaasulo Murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, waxaan aan doonayaa in aynu dhammaanteenba isku duubnaano illaa inta ayu xisbiga WADDANI gaadhsiinayno kursiga ugu sarreeya talada dalka Somaliland.”.

Suldaanka guud ee goballada galbeedka Somaliland Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in baarqubba hanku uu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI ee iyagu garteen in ay isu tanaasulaan si aan culays badan u fuulin xisbiga WADDANI, waxaana uu siyaasiyiintii tanaasulay uu ku ammaanay dariiqa fiican ee ay u jeexeen guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay caawa raggii uu damacu ka hayey murashaxnimada madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI, ay isu tanaasuleen, xisbiga WADDANI dhexdiisa dhib weyn ayaan ka furateen iyo weliba annaga ka madax-dhaqameed ahaan oo xulistiinu ay saamayn nagu yeelan lahayd. Raggii tanaasulay ee aadka u badnaa aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin, waana ay ku ammaanan yihiin dariiqa tolmoon ee ay u jeexeen da’yarta dambe iyo guud ahaanba qaranka Somaliland. Ninka loo tanaasulayna duco iyo talaba waa aynu la barbar istaagaynaa, haddii Alle idmo.”.Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta tanaasulay, iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo isagu jira aqoonyahan iyo wax-garad oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda dhammaantoodba sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan ay qaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda goballada galbeedka Somaliland, waxaana ay tilmaameen in kaliya midnimadu ay tahay dariiqa qudha ee lagu gaadhi karo guusha, iyaga oo murashaxa loo tanaasulay u soo jeediyey in uu ka shaqeeyo midnimada goballada Awdal iyo sida oo kale ta guud ahaaneed ee qaranka Somaliland.

Diblomaasi-sare/ Dr.Maxamed Cali oo ah murashaxa loo tanaasulay, ayaa isna dhankiisa si weyn ugu mahad-naqay siyaasiyiinta u tanaasulay, waxaana uu tilmaamay in ay farxad weyn u tahay oo aanu weligeedna ilaawi karin abaalkeeda.

“Farxadweyn ayey ii tahay in caawa walaalkay uu caawa ii tanaasulo, dadkuna wakhtiyo badan ayey farxaan, caawa farxad gaar ayey ii tahay aniga, marka haddii Kubad la wada ciyaaro waa la kala badiyaa, inaadeerkay Qaasim-na waa uu iga badiyey, oo waa kaas abaal igashaday, anna weligay ma illaawi doonno haddii Alle idmo Insha Allah.”.

Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa ah khabiir ku xeel arrimaha siyaasadda arrimaha dibadda iyo sida oo kale xidhiidhada caalamiga ah, waxaana uu hore safiiro uga soo noqday dalalka Holand iyo Biljam-ka, isaga oo sida oo kalena bare sare uga soo noqday dalalka Mareykanka iyo Kanada.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

 

https://www.youtube.com/watch?v=JM_I4gGpEBs

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories