HomeDr Gaboose oo soo bandhigay Duruufo ku gedaaman Caasimadda Hargeysa

Dr Gaboose oo soo bandhigay Duruufo ku gedaaman Caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa ka hadlay duruufaha ku gedaaman caasimadda Hargeysa iyo culayska saaran Maayar Cabdikariin Axmed Mooge, oo ku ahaa xildhibaankii ugu codka Badnaa Goleyaasha Deegaanka dalka.

Dr. Gabboose wuxuu hoosta ka xariiqay in Maayar Cabdikariin astaan u yahay isbedelka bulshadu kaga guurayso nidaamka qabyaaladeed, uguna guurayso aqoonta iyo waxqabadka, sidaas daraadeed loo baahanyahay in shacabku garab siiyaan rajadaas oo ay noqon mid dhimata.

“Dadka wada milgaha leh waxaan ku dhex arkay maayarka magaalada Hargesa, cabdikariin Axmed Mooge, waxaan rabaa laba eray inaan u idhaahdo maanta oo ummadda Somaliland meel kastoo ay joogto aan u odhanayo.

Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo shacabkii Somaliland boqolkiiba 70 in ku dhow ay ka soo baxeen dalka intiisa kale oo Hargeysa isugu yimaadeen, waa dhaqan xun waayo Afrikaanku magaalo iyo dal keliya weeye,” sidaas ayuu yidhi Gabboose oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xalay kaga qayb-galay Hargeysa.

Dr Gabboose oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaaladii sharafta iyo karaamada u ahaan lahayd iyo magaceena Somaliland oo dhulka taalla. Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo biyihii meel ay maraan intay waayeen ay laamiyada dhexdeeda qulqulayaan. Cabdikariin wuxuu dhaxlay qashin ciiddaa ka badan oo nadaafadeedu aad u xuntahay. Cabdiariin wuxuu dhaxlay magaalo waddooyinkii oo dhan inta la dhisay gaadhigii meel uu maro waayay oo wadada dhexdeeda ay tubanyihiin oo gidaarka kuugu dhow saacado ay kugu qaadato.Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo daantaa iyo daantaa haddii uu roob da’o aan isku tallaabi karin. Cabdikariin wuxuu dhaxlay meel aad iyo aad u culus sidii midho looga dhaliyo”.

“Cabdikariin laakiin wuxu ku yimi albaab cusub oo Somaliland u furmay oo ah codkii ummadda Somaliland, Barkhad oo saaxiibkii ah oo ag jooga waa astaamaha rajada muujinaya in ummaddu ka soo korayso oo yaa wax qaban kara? yaan rajadeena saaraanaa.
cabdikariin markaa hadduu fashilmo, waxaa fashilmay rajadii isaga iyo Barkhad ku yimaadeen ee ummaddii jeclayd inay ka guuraan qabiilka oo u guuraan sumad ka guuraan inay halkaa.” Sidaas ayuu yidhi Dr Gabboose oo shalay hadal ka jeediyey xaflad uu kaga qayb-galay Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories