HomeDr Edna Adan oo loo doortay Madaxweynaha Urur Caalami ah oo u...

Dr Edna Adan oo loo doortay Madaxweynaha Urur Caalami ah oo u Dooda Dalalka aan Aqoonsiga haysan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Dr Edna Adan Ismaaciil, ayaa loo doortay madaxweynaha Urur Caalami ah oo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqaha dalalka aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobay.

blankDr Edna Aadan Ismaaciil hore u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa xilligan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya.

Ururka oo lagu magacaabo UNPO oo la aasaasay February 1991-kii oo ku beegan saddex bilood ka hor markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, ayaa xaruntiisu ku taallaa magaalada Hague ee dalka Holland.

Shirweynaha Ururka UNPO oo shalay lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa lagu go’aamiyey in Dr Edna Aadan loogu doorto madaxweynaha ururka, waxaanay Dr Edna Aadan noqonaysaa haweenaydii u horeysay ee loo doortay madaxweynaha UNPO.

Dr Edna Aadan oo shirweynaha UNPO ka Qayb-gashay habka Maqalka iyo Muuqaalka iyadoo ku sugan Hargeysa, waxa cod aqlabiyad ah u doortay xubnaha ururka, waxaanay Dr Edna hadal ay u jeedisay shirweynaha ku bogaadisay kalsoonida ay u muujiyeen inay u doortaan haweenaydii u horeysay ee madaxweyne ka noqoto UNPO.

Sidoo kale, waxa shirweynaha lagu go’aamiyey doorashada Madaxweyne ku-xigeenka UNPO oo loo doortay haweenay lagu magacaabo Elisenda Paluzie oo ah hoggaamiyaha Xisbi u dhaq-dhaqaaqa mada-bannaanida gobolka Catalonia oo ka tirsan dalka Spain.

 

Ururka UNPO ayaa  xuquuqda bani’aadamka , Dimuqraadiyadda iyo Xaqa ay u leeyihiin Aayo-ka-tashiga dalalka aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobay iyo bulshooyinka laga tira badan yahay ee Caalamka, kuwaas oo xubno ka ah ururka.

Somaliland ayaa sannadkii 2004-tii xubin ku ka noqotay Ururka UNPO oo dalalka Aqoonsi-raadiska ah ka caawiya fahamka iyo talooyin khuseeya arrimaha  aqoonsiga caalamiga ah iyo madax-bannaanidooda siyaasadeed, waxaanu si toos ah fagaareyaasha caalamka ugu soo bandhigaa xadgudubyada xuquuqul aadamaha ee lagula kacay dalalka xubnaha ka ah.

Ururka UNPO oo ay xubno ka yihiin dhowr iyo labaatan waddan oo aan xubno ka ahayn Qaramada Midoobay, waxa sababihii ka dambeeyey aasaaskii qayb laxaad leh ka qaatay hoggaamiyeyaal hore oo dedaal u galay madax-bannaanida dalalalkooda oo aan xilligaas xubno ka ahayn Qaramada Midoobay. Waxaana dalalka wax-qabadka ururkan ku af-laxay ee xilligan madax-bannaanida haysta ka mid ah Armenia, Estonia, Latvia iyo Georgia ka mid ahaan jiray midowgii Sofiyeeti xilligan ka tirsan dalalka Yurub. Waxa kale oo dalalkan ka mid ah East Timor iyo Palau.

Si kasta ha ahaatee, Dr Edna Aadan Ismaaciil oo kaalin muhiim ah kaga jirta Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, laguna tilmaamo shaqsiyaadka astaanta u ah Qaranimada Somaliland, waxa ay magacaabisteedani wax weyn ka tari doontaa dedaallada ay Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha Caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories