HomeDr. Edna Adan Geesiyaddii Kartida Badnayd. Q.1aad

Dr. Edna Adan Geesiyaddii Kartida Badnayd. Q.1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Drs. Edna Adan waxay ku dhalatay magaalada Hargeisa ee Caasimada Somaliland sanadkii 1937. Waa wasiirada hore ee wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ama si kale hadaan u dhigo gabadhii u horeysay ee Geeska afrika qabata wasaarada arimaha Dibada. Edna oo ah gabadh aad iyo aad u karti badan waxay u shaqeysa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee marka la magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo (WHO) waxaanay mar ahayd la taliyaha dhinaca kalkaaliyayaasha caafimaadka ee heer gobol (Regional Nursing Advisor). Mar kalana waxay ahayd sarkaalada dhinaca farsamada ah oo kala shaqeysa hay’ada caafimaadka aduunka arimaha dhalmada iyo caafimaadka ubadka.
Edna waa haweenaydii ugu horeysay ee dalka dibadiisa lagu soo tababaray oo soo baratay kalkaaliso caafimaad gaar ahaan dhalmada. Waana haweenaydii ugu horeysay ee reer Somaliland ee qaadata liisanka wadida gaadiidka ama gaadhi ka xaysa.
Drs. Edna Adan iyo dadaalkii dheer ee dhisitaanka cisbitaalka u adeega bukaanka:
Dhisitaanka cisbitaal u adeega hooyada iyo dhalaanka oo ah dadka ugu jilicsan bulshada una nugul xanuunada ayaa ahaa riyo ay in badan ku taamaysay Drs. Edna Adan; Ilaa markii ay ahayd gabadh aad iyo aad u yar oo caawisa aabaheed oo isna ahaa dhakhtar khabiir ah oo la shaqeyn jirey ingiriiskii Somaliland Jooogey islamarkaana ahaa tababare sare oo tababara kalkaaliyayaasha gaar ahaan kuwa loo yaqaan (Auxiliary Nurses).
Madaama oo ay Edna Adan ahayd gabadhii ugu horeysay ee Somaliyada ah ee kalkaaliso iyo Umuliso takhusus ku ah (First Somali qualified nurse and midwife) islamarkaana xornimadii ka dib la isku daray Somaliland iyo Somalia waxay xooga saartay dhisitaan cisbitaal u gargaara hooyada iyo dhalaanka.
Drs. Edna oo ah geesiyad karti badan waxay codsiga dhisitaanka cisbitaalka u gudbisay dawladii Somalia ee xarunteedu ahayd Muqdisho iyadoo markaa doonaysay inay Hargeysa ka dhisto cisbitaalka. Dawladan oo aad iyo aad u nacbayd horumarka magaalooyinka Somaliland way u diidey Drs. Edna Adan inay Hargeysa ka dhisto waxaana amar lagu siiyey inay Xamar ka dhisto.
Drs. Edna oo ah qof u naxariis badan bukaanka, islamarkaana jeclayd inay ka midho dhaliso riyadeeda ay mudada dheer ku fikireysa may qaadan fikirka ah (Cadyahow ku cunay ama ku ciideyey) oo may joojin fikirkii dhisida cisbitaalka balse waxay qaadatay go’aan geesinimo leh waxaanay bilowdey inay cisbitaalka ka dhisto Xamar sida amarka lagu siiyey. Waxay dhul ka iibsatay Xamar waxaanay ku wareejisay dayr islamarkaan waxay shubtay sagbadii hoose waxay ku bixisay lacag dhan $150,000 iyadoo halkaa ay marayso ayuu qarxay dagaalkii waxaana dhacday dawladii Xamar ee military-ga ahayd; halkaas ayaanay ku khasaartay hantidii Drs Edna ay galisay Xamar. Taasi may niyad jabin Drs.Edna kamanay hadhin riyadii ahayd inay dhisto cisbitaal u adeega hooyada iyo dhalaanka islamarkaan wax weyn ku soo kordhiya bulshada.
Markii ay dawladii Siyaad Barre dhacday 1991 Drs. Edna inkastoo ay ku khasaartay howshii lagu duduucay ee ahayd inay Xamar ka dhisto cisbitaalka iyadoo doonaysay inay Hargeisa ka dhisto kamay joojin riyadeedii waxay bilowday inay mar labaad cisbitaalkii ka hirgaliso magaalada Hargeysa caasimada Somaliland laakiin markaad eegto waqtiga iyo duruufaha jirey 1991 umay suurtagalin inay dhisto muddo ayay dhowraysay bal in nabad galyadu hagaagto islamarkaana ay ka fadhiisato shaqadii UN-ta si ay wqti ugu hesho cisbitaalka ay dhisayso.
Markii ay shaqadii ka soo fadhiisatay ayay dalka ku soo laabatay waxaanay bilowday howshii cisbitaalka iyadoo la siiyay dhul ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa. Midha la yaabka ahi waxaa weeyi dhulkan ay Drs. Edna ka dhistay cisbitaalku waxaa uu ahaa dhul militarigu ku gaardiyo mararka qaarna ay dadka ku ciqaabaan balse iyadu waxay u rogtay meel dadka buka loogu gargaaro cajiib!!!!! Samir iyo go’aan qaadasho cajiib ah ayay samaysay gabadhaasi. Waxaana cisbitaalka si rasmi ah loo furey 2002.
Cisbitaalka ay Drs Edna Dhistay maaha waxaad ku fahmi karto qoraal balse waa meel u baahan inaad booqato si aad uga bogota.dhisitaanka dhakhtarka ay Drs Edna dhistay waxaa uu wax weyn ka tarey baahida adeega caafimaad ee ka jirta Somaliland, Somalia iyo Xataa dalka aan jaarka nahay ee Ethiopia oo ay ka yimaadaan bukaanada qaar. Drs. Edna waxay dhiiri galisay in badan oo ka mid ah dadkeena jecel inay maal gashadaan xarumaha caafimaadka waxaanay dad badani ku dhiiradeen inay sameeyeen goobo yar yar oo caafimaad oo dadka loogu adeego.
Cisbitaalka Drs. Edna waa waxaa uu bixiyaa adeega caafimaad ee ugu balaadhan ee goobaha caafimaad ee gaar loo leeyahay waxaa ku dhashay intuu jirey dad u dhexeeya 15,000-20,000 oo caruur ah. Waxaa uu uu daaweeyey nus malyuun qof oo bukaan socod ah waxaana ka aflaxay inka badan 1,000 ardey oo bartay qaybaha kala duwan ee caafimaadka ha u badnaadaan qaybaha dhalmada. Bal hada dhugo qofka fikirkaas u keenay bulshada Somaliland iyo dalalka jaarka ahba iyo waliba horumarka caafimaad ay ku talaabsato waa Drs. Edna Adan ilaahay ha ka abaal mariyo hana xafido. Intaa waxaa dheer hadaad tagto gobolada Somaliland min Sool ilaa Saylac dadka ka shaqeeya xarumaha caafimaad waa ardaydii ka baxday cisbitaalka waxna lagu barto ee Edna Adan University Hospital.

La soco qaybaha danbe ……………………………..
Mohamoud Dahir Omar
Mobile:0634423327

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories