HomeDr. Edna Aadn Oo Haweenka Ugu Baaqday Inay Tiradooda Ku Muujiyaan Qadashada...

Dr. Edna Aadn Oo Haweenka Ugu Baaqday Inay Tiradooda Ku Muujiyaan Qadashada Kaadhadhka Codbixinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa fariin muhiim ah oo la xidhiidha qaadashada kaadhka codbixinta u dirtay guud ahaan shacabka Somaliland.

Marwo Edna Aadan oo ka hadlaysay munaasibad lagu daah furayey adeegyo cusub oo shirkada Dahabshiil ugu tala gashay inay dumarku ka faa,iidaystaan ayaa sidoo kale dardaarano u jeediyey haweenka somaliland.

Ugu horayn Marwo Edna Aadan oo ka hadlaysa muhiimadu uu leeyahay qaadashada kaadhka codbixintu ayaa waxay tidhi ““Maanta waxaan u baahanahay inaad hiil qaran samaysaan oo aad marka hore qaadataan kaadhka codbixinta oo jiritaanka umadeena aynu muujino, kaadhadhka aad qaadanaysaan waa tirakoob waana dhoolatus, waxaana la yidhaa dalkeena waxa ku nool laba milyan iyo badh, marka layna badinayana waxa laynagu sheegaa sadex milyan iyo badh, waynu ka badanahay sadex milyan iyo afar milyanba waxaanan u baahanay markhaati furka, waxaan rabaa in tirakoobkaasi soo saaro inaynu ka badanahay shan milyan, 18 dal oo afrika ah ayeynu ka dad badanahay kana dal weynahay.”

Marwo Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa ku baaqday in si mug leh loo qaato kaadhka codbixinta waxaanay tidhi “Dumarow madaama oo aynu 50%  nahay dadka ku nool somaliland, yaanay tiradeenu meeshaas ka maqnaan oo dalkeena tirada ku nool oo sax ahi  inay soo baxdo ayaan doonayaa, dhib kasta hakugu qaadato, abaaro kasta ha dhacaan, gaajo iyo haraad wixii imanaya ilaahay ayaa keenay oo inaga dul qaadaya laakiin waa inaad u dhabar adaygtaan oo aad safka u gashaan oo aad kaadhkii doorashada qaadataan ayaan kula dardaarmayaa somaliland rag iyo dumarba, jiritaankeena ayaa ku xidhane, Hadhow waxaad doonto samee, cida aad doontana u code ima khusayso taasi laakiin madax ka kow in layna tiriyo ayaan rabaa, inaynu jirno in la ogaado ayaan rabaa,  inaan cudud balaadhan oo buuxda oo xoog leh in la ogaado ayaan rabaa.”

Ugu dambeyn marwo Edna Aadan ayaa dardaarano gaar ah u jeedisay haweenka somaliland, waxaanay ugu baaqday inay danahooda u midoobaan “Waxaan doonayaa in dumarku ay yeeshaan wada shaqayn oo ay isku duubnaadaan oo aan la kala dhex galin, qof waliba gobol ayuu u dhashay, magaalo ayuu u dhashay, xaafad ayuu u dhashay ama meesha uu doono ayuu u dhashay laakiin hadana waxaad wadaagtaan dantiina oo waa inaad isku xidhnaataan oo wixii idiin dana aad midnimo ka muujisaan, waxaan doonayaa inaad is gacan qabataan oo aad xoojisaan in habluhu wax bartaan oo aydaan kala bakhaylin inaad jaamacadaha ku dartaan.”

Somalilandpost.net.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories