HomeDr Edna Aaden Oo Qadiyadda Somaliland Hor-geysay Baarlamaanka Midowga Yurub

Dr Edna Aaden Oo Qadiyadda Somaliland Hor-geysay Baarlamaanka Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa qadiyadda madax-banaanida iyo taariikhdii horumarka dowladnimadeedu soo maray hor-geysay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

Dr Edna Aadan oo lagu marti-qaaday Kulan baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa khudbad koobsatay taariikhda Somaliland iyo halganka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah oo beesha Caalamka ka hesho iyo guulaha dhinacyada horumarka siyaasada iyo dhaqaalaha ee Somaliland ku tallaabsatay.

Waxa ay ka sheekaysay sidii ay Somaliland ugu hungowday midnimadii Soomaaliya iyo tacaddiyadii Shacabku kala kulmeen taliskii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

“Markii Soomaaliya diiday inay fuliso heshiisyadii Midnimada, iyadoo arrinta ku miisaanaysa Qabiil, waxay bilowday inay diyaarado ku duqayso, xasuuqdo oo ay Xabaal-wadareedyo ku aasto Dadkayaga, Dadka ay Dawladdaasi Bam-garaysay, Taangiyada u isticmaashay waxay ahaayeen Muwaadiniinteeda, waa Dawlad dadkeedii laysay,” ayay tidhi Edna Aadan, waxayna intaa ku dartay, “Markaas ayaanu Madax-banaanidayada la soo noqonay, waayo? Waxay Soomaaliya samaysay wax ku xun Xuquuqda aadamaha, waxay burburisay Cisbitaalladii oo bukaannadii jiifaan, waxay burburisay Dugsiyadii Waxbarashada oo Ubadkii fadhiyaan oo ay xasuuqday. Waxa barakacay Dad ka badan 1 Milyan oo Qof.”

Edna Aadan oo hadalkeeda sii waddaa waxay Baarlamaanka Midowga Yurub u sheegtay in Khuburo Qaramada Midoobay ka tirsani ka Daah-qaadeen Somaliland illaa 100 Xabaal-wadareed, kuwaasi oo lagu aasay dadkii Soomaaliya xasuuqday, waxay sheegtay in dadkaa Xabaal-wadareedyadooda la helay ay ku jiraan Carruu yaryar oo qaarkood saddex Jir lagu qiyaasay “Nasiib-darro, Xabaal-wadareedyadaa ay Daah-qaadeen Khuburada Qaramada, illaa hadda waxbay kama ay odhan Ururrada Xuquuqda Aadamuhu,” ayay tidhi, waxayna intaa raacisay in markii Ciidankii Siyaad Barre ka baxeen Dhulka Somaliland ay Somaliland soo xidhatay xuduudaheedii Gumaystaha Ingiriiska ee lixdankii ka hor.

Waxay tilmaantay, wixii intaa ka dambeeyay in Somaliland ka shaqaysay sugidda amniga, lana bilaabay dib u dhiska Kaabayaasha Dawladnimo, sida Ciidamada iyo Dastuurka, iyadoo sheegtay in Somaliland xilligaa diiday in laga taageero dib u dhiska dalkeeda.

“Mudaneyaal, Waxaanu ku faraxsanahay in Somaliland nabadgalyo buuxda haysatay 32 sano, muddadaana waxaanu qabsanay Doorashooyinka Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka, waxaanu aasaasnay Maxkamado, kuwa Deegaanka, waxaanu Shacabka Somaliland dedaal ku bixinayaa dhismaha Dalkayaga Somaliland,” ayay tidhi.

Edna waxay Baarlamaanka Yurub sawir ka siisay sida Nabadgalyada Somaliland u tahay mid la isku hallayn karo “Aniga oo idinla hadlaya iyo Dumarka kale ee Somaliland waxaanu gaadhi ku dhex wadanaa Hargeysa, waxaananuna ugu socdaalnaa Gobol illaa Gobol, annaga oo aan ka baqaynin cid na dhibaataysa, waayo? Waxaanu ku noolahay Somaliland. Waa nabadgalyo, idinku waad iman kartaan, si aad wadddooyinka ugu lugaysaan,” ayay sheegtay, waxayna intaa raacisay, “In taa beddelkeeda Soomaaliya oo Adduunku aqoonsan yahay, kuna tiirsan Ciidammada Nabad-ilaalintu aanay ka jirin Nabadgalyo.”

Edna waxay sheegtay in Somaliland ay Adduunka oo dhan uga yimaaddaan dal-xiisayaal, boqollaal kun oo qurbe-joogta Somaliland ahi dalka dib ugu soo laabteen isla-markaana ka qayb-qaadanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda Somaliland, halka Soomaaliya ay boqollaal Dad ahi dibedda uga yaacaan, maaddaama oo aanay jirin Nabad iyo Nidaam dawladeed oo sax ahi.

Waxay ka hadashay xidhiidhka Somaliland la leedahay Caalamka inkasta oo aan la aqoonsanayn. Waxay sheegtay in Qaramada Midoobay Xafiisyo ku leedahay, sidoo kalena Dawladaha Adduunka qaarkood ku leeyihiin Xafiis-wakiileedyo, kuwaasi oo Maalinba Maaalinta ku xigta sii kordhaya, taasina keentay in Somaliland loola macaamilo si la mid ah dawladaha la aqoonsan yahay, maaddaama oo ay Juquraafi ahaan ku taallo goob istaraatiiji ah “Xaqiiqaduna way imanaysaa dhawaan,” ayay tidhi Dr Edna Aadan Ismaaciil oo markii ay khudbadda dhammeysay ka jawaabtay su’aalo laga weydiiyey qadiyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories