HomeDr Edna Aadan oo Sharraxday Qaabka looga Hortagi karo iyo Waxyaabaha Daawo...

Dr Edna Aadan oo Sharraxday Qaabka looga Hortagi karo iyo Waxyaabaha Daawo ahaan loogu Isticmaali karo Caabuqa CoronaVirus-ka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixiyey halis uu leeyahay iyo siyaabaha fudud ee lagu kala qaadi karo kuna fidi karo Cudurka Dilaaga ah ee COVID-19 oo uu sababo Caabuqa CoronaVirus oo xilligan faro baas ku haya dalalka Adduunka oo la tacaalaya xakamayntiisa.

blank
Dr Edna Aadan Ismaaciil

Guddoomiyaha ahna Aasaasaha Cusbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Edna Aadan Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa, waxa ay sharraxaad faahfaahsan ka bixiyey dabeecadaha uu leeyahay caabuqa CoronaVirus iyo tilmaamaha ugu habboon ee lagu xakamayn karo fiditaankiisa isla markaana lagula dagaalami karo.

Dr Edna oo warbaahinta dalka qaarkood kula hadashay magaalada Hargeysa maanta, waxa ay sheegtay in caabuqa CoronaVirus leeyahay astaamaha xannuunka Hargabka balse uu yahay cudur dilaa ah oo ay si gaar ah ugu nugul yihiin Dadka Qaba xannuunada qaarkood iyo dadka da’doodu weyn tahay ee jilicdasan.

“Waxa maanta dunida ka jira cudur ka dillaacay oo aynaan hore u arki jirin. Cudurka CoronaVirus waa cudur u eg hargabka kase weyn, waa cudur dilaa ah oo waliba ay u nugul yihiin dadka macaanka Qaba, dadka dhiig-karka qaba, dadka sambabadu bukaan, dadka Oof-wareen ka soo kacay iyo dadka da’da ah”, Sidaas ayay tidhi Dr Edna.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay intaas ku dartay oo tidhi, “Waxaan doonayaa inaan aad iyo aad ugu mahad-naqo madaxweynaha Somaliland oo go’aan adag ka qaatay la-dagaalanka iyo ka-hortagga cudurkan dilaaga ah. Siyaabo badan ayaynu ula soo dagaalannay waxyaabo badan oo aynu soo aragnay hadday tahay maska iyo bahalka, laakiin cudurkan Koronafayraska maaha mid aynu oodda ka dheeraysan karno, godna ka geli karno, hawada ayuu la socdaa, sida Hargabka loo kala qaado ayaa loo kala qaadaa”.

Marwo Edna Aadan oo sharraxaysay tallaabooyinka lagula dagaalami karo cudurkan, waxa ay xustay, “Cudurkan waxa lagu dagaalaamaa waa nadaafad, CoronaVirus-ku kulaylka ama qorraxda ma jecla, sidaa awgeed waa in qorraxda lagu leydhiiyo Gogosha, bustayaasha, galalka barkimada ee habeenkii lagu seexdo, si joogto ahbaa loo maydhaa. Haddii qofku qabo xannuunkan Ilmahiisa yar ayuu qaadsiin karaa marka uu kula soo seexdo gogosha”, sidaas ayay tidhi Marwo Edna Aadan oo marka laga yimaaddo masuuliyadda maamul ee cusbitaalka hooyada iyo Dhallaanka, haddana xilligan ku magacaaban Ergayga Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu magacaaban Wada-hadallada Soomaaliya.

Dr Edna Aadan Ismaaciil, waxa ay xustay Waxyaabo Daawo u ah Caabuqa CoronaVirus, “CoronaVirus ma jecla wixii dhannaan sida Liinta waa dawo, hadduu Virus-ku afkaaga galay, way dilaysaa. Khalku wuu dilayaa, Saabuuntu way dilaysaa, cadarka kulul wuxuu leeyahay Alcohol sida Furcadda iyo Koloniyaha, wuu dilayaa viruska”. Sidaas ayey tidhi Dr Edna Aadan Ismaaciil oo ah Aasaasaha Cusbitaalka Hooyada iyo Dhallaan ee Edna Aadan Maternity Hospital ee magaalada Hargeysa.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories