HomeDr Edna Aadan oo Khudbad ay waayaheedii nololeed kaga sheekaysay ka jeedisay...

Dr Edna Aadan oo Khudbad ay waayaheedii nololeed kaga sheekaysay ka jeedisay Munaasibad dhiiirrigelin ah oo Maamulka Dugsiga Sare ee Sh. Cali Ibraahim Hablaha Dugsigaas +

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa khudbad dhiirrigelin ah oo ay si qoto-dheer ugaga hadashay muhiimadda waxbarashadu u leedahay iyo wax-tarka ay gabadha Aqoonta leh bulshadeeda u leedahay u jeedisay Hablaha wax ka barta dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Hablaha ah ee Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim oo lagu qabtay isla Xarunta dugsigaas, taas oo qayb ka ah qorsheyaal lagu dhiirri-gelinayo waxbrashada habalaha, ayaa lagu marti-qaaday Drs Edna Aadan Ismaaciil, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa masuuliyiin sare-sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo sidoo kale hay’adda Waxbarashada Africa ee AET, Waalidiinta iyo Hablaha wax ka barta dugsigaas.

sheekh cali ibraahim (3)Ugu horeyn, waxa furitaanka munaasibadda ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim (Biyo-dhacay Sare) Maxamed Axmed Cali (Jamhuuriya) oo sharraxaad kooban ka bixiyey ujeeddada munaasibadda loo qabtay, waxaanu halkaas hadallo waano u jeediyey Hablaha loo qabtay munaasibadda dhiirrigelinta ah.

Waxa uu Maamule Maxamed Axmed Cali ka hadlay kaalinta ay habluhu ku leeyihiin waxbarashada dalka, isagoo sheegay in habluhu ay wiilasha kaga horreeyaan waxbarashada isla markaana ay kaalin wanaagsan ka gaadheen, kaalmaha horena ka galeen imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka sannadihii u dambeeyey, isagoo si gaar ah u xusay hablaha wax ka barta dugsiga uu maamulaha ka yahay ee Sheekh Cali Ibraahim.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay masuuliyiin ka socday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo si gaar-gaar ah u sharraxay muhiimadda waxbarashada Gabadhuhu u leedahay horumarka iyo jahli-la dagaalanka bulshada dhexdeeda. Gudoomiyaha Waxbrashada ee Bariga Gobolka Maroodijeex Ismaaciil Dhubato ayaa hadallo dhiirrigelin iyo dar-daaran xambaarsan uga soo jeediyey hablaha loo qabtay munaasibadda.

sheekh cali ibraahim (6)Hablaha wax ka barta dugsiga qaarkood, ayaa munaasibadda ku soo bandhigay hal-abuurnimo-suugaaneed Eebbe hibo u siiyey, iyagoo halkaas ka akhriyey Tixo-suugaaneed ay kaga hadleen halista ay dhalinyarada u leeyihiin Aafooyinka Tahriibta, Jahliga iyo Xannuunada laysku gudbiyo.

Deeqa Nuux Yoonis oo ka mid ah Ardayda dugsigaas ee hibada u leh hal-abuurka suugaanta, ayaa halkaas Hadyad sharafeed ku guddoonsiisay Aqoonyahanad Dr Edna Aadan Ismaaciil oo Qaybta ugu weyn ku lahayd ujeeddada loo qabtay munaasibadda.

sheekh cali ibraahim (4)Gebo-gabadii munaasibadda, waxa khudbad dheer oo xambaarsan dhiirrigelin iyo xog-warran ku saabsan waayihii ay u soo martay waxbarashadeeda iyo heerka ay maanta taagan tahay ka jeedisay Dr Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah Haldoorka haweenka Soomaalida isla markaana ahayd hablihii u horreeyey ee nasiib u yeeshay inay waxbrasho helaan xilligii guumaystihii Ingiriiska.

DSC_0146Dr Edna Aadan waxa ay si qoto-dheer u sharraxday taariikh nololeedkeeda iyo noloshii ay ku soo kortay, waxbarashadii ay nasiibka u heshay iyadoo aanay jirin wakhtigaas hablo ku jira goobihii waxbarashada dalka ee xilligaas, iyadoo ardayda uga sheekaysay waayihii Iyo duruuftii ay wax ku soo baratay, hankii Iyo Himiladii ay ku soo gaadhay heerka ay maanta marayso ay tahay Samir iyo inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta bulshadeeda.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories