HomeDr. Cabdi Xuseen Gaas oo ku Guulaystay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa

Dr. Cabdi Xuseen Gaas oo ku Guulaystay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare sannadkan gudihiisa u magacowday inay soo xulaan Cidda ku habboon xilka Guddoomiyaha iyo dib u eegista Arrimaha Dhaqaalaha Jaamacadda, ayaa Dr. Cabdi Xuseen Gaas u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ka dib markii sida ay guddigu sheegtay, uu noqday qofkii kali ahaa ee buuxiyey shuruudaha looga baahnaa qofka buuxinaya booskan.

Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo Warsaxaafadeed ay xalay warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxa ay ku sheegeen in booska guddoomiyaha Jaamacadda markii hore soo codsadeen 21 qof  balse markii qaar ka mid ah codsadayaashu buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, warbaahinta dib loogu baahiyey booska, markii dambe ee la kala reebay dadkii soo codsaday, uu Dr. Cabdi Xusen ka mid noqday shan qof oo markii dambe laga soo dhex xushay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

blank

War-saxaafadeedka Guddiga oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo loo xil-saaray Guddida Sare ee Jaamacadda oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa

Guddida Jaamacadda Hargeysa oo la magacaabay horraantii sanadkan si ay u gudo galaan horumarinta Jaamacadda, soo xulista guddomiyaha jaamacadda iyo dib u eegista arrimaha dhaqaalaha jaamacadda,  ayaa waxay muddo dheer ku guda jireen ka gun gaadhista arrimahaas.

Waxa xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda lagu soo xayeysiiyey saxaafadda. Waxa soo doontay jagadaas markii hore 21 qof. Waxa ay qaarkood noqdeen kuwo buuxin waayey shuruudihii laga doonayey.

Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo eegayesa danta jaamacaddu waxay go’ansatay inay mar labaad dib u xayeysiiso si ay dad kale fursad ugu helaan  jagadaas.

Muddo ayaa guddidu ku jirtay kala shaandhaynta dadkaas jagada guddoomiyaha soo doontay. Waxa la sameeyey kala reebis, iyadoo waraysigii ugu dambeeyey laga qaaday shantii qof ee buuxisay shuruudihii aqooneed, waayo aragnimo iyo farsamo ee looga baahnaa.

Sidaa daraddeed, waxa jagada guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa tartankii loo galay ku guuleystay Dr. Cabdi Xuseen Gaas.

Dr.  Cabdi Xuseen Gaas waxa uu muujiyey aqoonta, waayo aragnimada iyo hogaaminta looga baahan yahay Guddoomiye Jaamacadeed. Wuxuu haystaa shaqahaadada Ph. D. in Education (Shahaadada  Bare ama waxbarasho  ee ugu sarreeysa), Masters in Management (Maamulka iyo Maareynta) iyo Accounting Degree (Xisaabaadka) isagoo qaatay liisanka xisaabaadka ugu sarreeya ee loo yaqaan Certified Public Accountant (CPA).

Wuxuu in badan ka soo shaqeeyey xarumo waxbarasho oo kala duwan, isla markaana noqday ninkii keliya ahaa ee jinsiyada madow u dhashay, muslimka ah ee guddoomiye waxbarasho ka noqday qayb ka mid ah gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

Isagoo dib u habayn ku sameeyey xarumo waxbarasho, waayo aragnimo badana u leh toosinta xarumaha waxbarashada. Mareeye sarena ka noqday hagidda waxbarashada iyo miisaanayadeeda qayb ka mid ah gobolkaas.

Guddida oo ku qanacsan dhammaan arrimahaas la soo sheegay, isla markaana tartan siman u soo bandhigay aqoon yahankii jagadan soo doontay, waxay  ogeysiinayaan bahda waxbarashada, gaar ahaan inta danaysa Jaamacadda Hargeysa in Dr. Cabdi Xuseen Gaas loo xushay jagada Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo dhowaana xilka la wareegi doona.”

Xilka Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa waxa si ku-meel gaadh ah u sii hayey Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan Axmed oo xilkaas iska casilay 9-kii Bishii 4aad ee Sannadkan isaga oo xilka guddoomiyenimada hayey muddo Shan bilood ah, waxaanay tallaabada is-casilaaddiisu ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ka dhan ah maamulka Jaamacadda oo ay Ardaydu ka muujiyeen lacago lagu kordhiyey. Waxa uu Guddoomiyuhu wakhtigaas is-casilaaddiisa u nisbeeyey, marka laga yimaaddo cabashada ardayda, faro-gelin uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay warbaahinta uga jawaabeen cabashada ardaydaas iyada oo aan lagala tashan maamulka Jaamacadda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories