HomeDr. Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay Sababaha Xilka looga Qaaday iyo...

Dr. Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay Sababaha Xilka looga Qaaday iyo Hawlaha uu Qabanyayo ee u Qorshaysan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 March, 2012 (SLpost) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Nuur (Oday), oo ka mid ahaa raxan Wasiirro ah oo uu Madaxweynaha Somaliland subaxnimadii hore ee maanta xilka digreeto Madaxweyne kaga qaaday, ayaa caawa ka hadlay sababaha keenay xilka qaadistiisa iyo waxyaabaha u qorshaysan.

Axmed Xaashi Oday, waxa uu sheegay inaanu wakhtigan la socon wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirradii uu ka midka ahaa ee xilka laga qaaday maanta, isla markaana waxa uu sheegay inuu Buugga Xil-wareejinta Wasaaradda uu xilkeeda hayn jiray inuu u gudbiyey masuulka la yidhi ku wareeji oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire.

Wasiirkii hore ee Boosaha Axmed Xaashi oo ka hadlaya sida uu u arko xil-ka-qaadistiisa, waxa uu yidhi; “Horta anigu waxaan u arkaa wax caadiya sababtoo ah carradan meelkasta oo uu ka jiro maamul dawliya ka dhaca, Wasiirna waa la magacabaa Wasiirna xilka ayaa laga qadaa, Madaxweyne ayaa doorashada laga helaa mid kale ayaa yimaadda.”

Axmed Xaashi oo la weydiiyey inuu jiray wax khilaafa oo u dhexeeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada la eryey ee isagu ka midka yahay, waxa uu ku jawaabay; “Runtii kollay wareegtada way jirtaa inkasta oo anigu aanan furin waraaqda waxaan dhagaystay Idaacadda saaka dadkaa  ila midka ah ee xilka laga qaaday mid qudha ismaannu arag, shirarkii isugu kayo-danbeeyay wax khilafaad ah iyo wax arrin ah oo taagan maannu ku kala tagin. Laakiin, anigu waxaan u arkaa wax caadiya, waayo maanta xilka waa laguu magacaabi karaa Berritana waa lagaa qaadi karaa. Horta meesha sacaddaadu ay ku dhammaato hawshu way iska xidhmaysaa dawladahana marba ciddii la doono ayaa la magacabaa oo intan in leeg ayaa hore loo magacabay oo qaar kale ayaa la eryi doonaa. Markaa, anigu waxaan u arkaa wax caadiya.”

 “Horta, Wasiirrada iyo Madaxweynuhu waa kala laba, haddii Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen uu khilaaf u dhaxeeyo xilka lagama qaadi karo, laakiin Madexweynaha iyo Wasiirradda khilaaf ka dhexeeya ma ogi, taa qudheeda inkasta oo aan cid la magacaabin cidda aan ku wareejinaayo waxay ku qornayd wareegtada oo waa la sheegay, waxaana la yidhi Wasiirka qorshaynta ku wareeji. Wasiirkiina Maantaba waan ku wareejiyey oo Buuggii xil-wareejintana waan siiyey oo waxa uu yidhi waan soo akhrisanayaa, markaa Berriito  ayey dhammanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ee Idaacadda VOA.

Axmed Xaashi Oday oo wax laga weydiiyey waxa u qorshaysan inuu sameeyo mustaqbalka, maaddaama oo xilkii Wasiirnimo laga qaaday, waxa uu yidhi; “Horta Siyaasadda iyo xirfaddaada labada-ba waa la wadayaa, laakiin anigu asalkaba aniga oo Siyaasadda ka soo galay xirfadda Dhakhtarnimo oo waxaan ahay Dhakhtarka kaliya ee Xoolo leh ee ay ku dhaqan yihiin magaalada agteeda oo wax soo saarkisii magaalada ka iibiya, Hudheelada waaweyn oo dhan waxa lagu iibiyaa Caanaha Geelayga, hawshayda gacanta kala bixi-maayo. Annaga markii hore ee nala magacaabay waxaannu ahayn Xisbiga Kulmiye kuwa immika la magacaabay qaar Xisbiga ah iyo qaar aan ahayn-ba way isugu jiraan.”

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories