HomeDr Anthony Fauci oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Dr Anthony Fauci oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Washington (SLpost)- La-taliyaha Arrimaha Caafimaadka ee Madaxweynaha Maraykanka ahna Agaasimaha Macadka Daraaseynta Cudurrada Faafa, Dr Anthony Fauci, ayaa Arbaca maanta laga helay astaamaha cudurka Covid-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Macadka NIAID.

Dr Fauci oo 81-jir ah ayaa la sheegay inuu leeyahay asxaamaha xannuunka oo meel-dhexaad ah, xaaaladdiisa caafimaadna lagula tacaalayo daawooyin heerkoodu sarreeyo oo lagula tacaalo caabuqa Coronavirus.

Dr Fauci ayaa lagu waday inuu Khamiista Berri hortago guddi-hosaadka arrimaha caafimaadka iyo tacliinta ee Golaha Senate-ka Maraykanka si uu warbixin uga siiyo heerka wax-qabad ee dowladda dalkaasi kaga hortagtay faafitaanka cudurka Covid-19 iyo qorsheyaasha loo dejiyey in lagu xakameeyo cudurka.

Dr Anthony Fauci oo noqonaya ninkii ugu sarreeyey culimada Caafimaadka Maraykanka ee Xannuunka laga helo, ayaa astaamaha Covid-19 ka soo muuqdeen xilli la filayey inuu yaraaday ama is-dhimay xawaaraha faafitaanka cudurka, waxaanay tani soo noolaysay inay wali dunida ka jirta halista cudurka Covid-19.

Macadka daraasaadka iyo xakameynta Cudurrada Faafa ee Maraykanka oo Dr Anthony agaasime ka yahay, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay inaanu jirin wax kulan ah oo muddooyinkii u dambeeyey dhexmaray madaxweynaha Maraykanka iyo La-taliyihiisa Arrimaha Caafimaadka.

Dr Fauci ayaa xilka Agaasimaha Macadka Macadka daraasaadka iyo xakameynta Cudurrada Faafa ee Maraykanka loo magacaabay sannadkii 1984-kii, waxaanu la-taliye Caafimaad u noqday Toddoba Madaxweyne oo Maraykanka soo maray illaa xilligaas.

Dr Fauci ayaa ku soo biiray liiska masuuliyiin ka tirsan maamulka madaxweyne Biden oo laga helay cudurka Covid-19, waxaana hore looga helay La-taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee Siyaasadda Gudaha Susan Rice, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland, madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Kamala Harris iyo Wasiirka Ganacsiga Gina Raimondo.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories