HomeDowladda UAE oo Wakiil-diblomaasiyadeed u soo magacowday Somaliland iyo Madaxweynaha oo Waraaqda...

Dowladda UAE oo Wakiil-diblomaasiyadeed u soo magacowday Somaliland iyo Madaxweynaha oo Waraaqda Aqoonsiga ka guddoomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiil diblooasiyadeed Dowladda Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland, kaas oo masuul ka noqon doona Xafiis dibloomasiyadeed oo dowladda UAE ku yeeelanayso Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dibloomasigan oo lagu magacaabo Amb. Abdulla Alnaqbi, waxaanu ka guddoomay ka gudoomay waraaqda aqoonsiga, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland.

blankWarka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Wakiilka waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon Sanno hadda ka dib markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

blankUgu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories