HomeDowladda UAE oo u Dacwootay Somaliland iyo Xukuumadda oo Raali-gelin ka bixisay

Dowladda UAE oo u Dacwootay Somaliland iyo Xukuumadda oo Raali-gelin ka bixisay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Imaaraadak Carabta, ayaa la sheegay inay aad uga cadhootay qoraalo uu bartiisa Twitterkiisa ku baahiyay wakiilkii hore ee Somaliland Mr. Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye oo uu eedo ugu jeediyay qaar ka mid ah madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Wakiilkan oo uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday bishii March ee sannadkii hore ee 2019, ayaa weli degen dalka UAE.

Qoraalada uu twitterka ku baahiyay wuxuu Mr. Cabsiiye ku dhaliilay oo uu eeddo ugu jeediyay dawladda Imaaraadka Carabta inuu qawadsanyahay caawimada ay siiyaan dawladda Somaliland, isagoo ku eedeeyay inaanay fulin balanqaadyadii ay hore u sameeyeen oo ay ka mid ahaayeen sida uu sheegay inay UAE cisbitaal ka dhisto Berbera, kaas oo aan weli la dhisin, “Halka nin Imaaraati ahi cisbitaal uu gaar u leeyahay malaayiin dollar lagu bixiyay.” Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu eeddo u jeediyay barnaamij dhawaanahan ka hirgalay Hargeysa oo uu nin Imaaraadka u dhashay taageero dhaqaale ku siiyay qoysas baahan oo ku sugan Hargeysa, waxaanu sheegay inuu barnaamijkaasi yahay mid musuqmaasuq oo been abuur ah.

Wuxuu wakiilkan hore sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo haysta dhalashada dalka Kanada ay farriimo hanjabaad ah ka heleen rag ka tirsan dawladda UAE oo aanu magacaabin.

Dawladda UAE ayaa la sheegay inay la soo xidhiidhay dawladda Somaliland, iyadoo wax ka weydiisay farriimaha uu wakiilkan hore ee Somaliland baahinayo iyo inay la ogtahay dawladda Somaliland.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay si gaar ah ugu dirtay dawladda UAE waxay raaligelin rasmi ah kaga bixisay qoraalada uu wakilkaas hore ku baahiyay bartiisa twitterka. Qoraal kale oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay twitterkeeda, oo ku qoran luuqadda Carabiga waxay ku sheegtay inaanu wakiilkas hore metelin dawladda iyo shacabka Somaliland, islamarkaana ay raaligen ka bixinayso farriimahaas oo ay sheegtay inay meel ka dhac ku yihiin nidaamka diblomaasiyadda.

Wakiilkan hore ayuu Madaxweyne Biixi magacaabay markii loo doortay hoggaanka Somaliland, waxaanu markaas degenaa dalka UAE, isagoon ka tirsanayn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa waxay wakiiladeeda dibadda u magacowdaa qaab ka duwan dunida, waxaana ay dunidu inta badan wakiilada dibadda u metela kala soo dhex badaa wasaaradda arrimaha dibadda, halka Somaliland ay wakiiladeeda ku magacowdo qaab suuqa laga soo xusho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories