HomeDowladda Taiwan oo Gargaar hor leh soo gaadhsiisay Somaliland

Dowladda Taiwan oo Gargaar hor leh soo gaadhsiisay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Garoonka diyaaradaha Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa Axaddii shalay ka soo dagay diyaarad sidday gargaar daawooyin ah oo ay Somaliland ugu deeqday Dowladda Taiwan.

blankMa jiro war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, balse Dowladda Taiwan, ayaa sheegtay inay Somaliland gaadhsiisay 150,000 xidhmo tallaalka COVID-19 ee Medigen oo lagu farsameeyey Gudaha dalkaas.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay magaalada Hargeysa la gaadhsiiyey 150,000 xidhooyin tallaalka Medigen, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Wakiilka Dowladda Taiwan ee Hargeysa, Allen Lou.

“Iyadoo laga duulayo qiyamka aanu wadaagno ee Dimuqraadiyadda iyo Xoriyadda, dowladda Taiwan waxay sii wadi doontaa xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya labada waddan, waxaananu si wada-jir ah ula dagaalamaynaa masiibadan caalamiga ah,” sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Tallaalka Medigen ayaa ilaa hadda haysta aqoonsi caalami ah oo xaddigan, balse waxa taageero weyn u muujiyey dowladda Taiwan oo maalgelisay samayntiisa maadaama waddankaasi ka war-warsan yahay in dalka Shiinuhu caqabad ku noqdo soo-iibsiga tallaalka Covid-19.

Masuuliyiinta dowladda Taiwan oo ay ugu horeyso madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa qaatay tallaalka Medigen si ay kalsooni u siiyaan una dhiirrigeliyaan shacabka Dalkaas.

Dowladda Taiwan ayaa ballan-qaadka gargaarkan hore ugu shaacisay Kulan bishii December 2021-kii Hargeysa ku dhexmaray Wasiirka Caafimaadka Somalilad Xasan Maxamed Gaafaadhi iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Hargeysa Danjire Allen Lou.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories