HomeDowladda Taiwan oo $500,000 Ugu Yaboohay Dib-u-Dhiska Suuqa Waaheen

Dowladda Taiwan oo $500,000 Ugu Yaboohay Dib-u-Dhiska Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Taipei (SLpost)- Dowladda Taiwan, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ugu deeqday $500,000 si ay qayb uga noqoto gurmadka dhaqaale ee lagu taakuleynayo Ganacsatada Xoolahooda ku waayey Suuqa Waaheen oo gubtay horaantii bishan.

blankSida ay maanta ku shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, qaadhaankan lacageed ayaa loogu tala-galay in gargaar bani’aadamnimo loogu fidinayo dhibbaneyaasha uu saamaynta ku yeeshay dabka ka kacay suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegtay in dowladda Somaliland soo dhaweysay deeqda lacageed isla markaana ay sheegtay inay munaasibad ballaadhan u qabanayso la wareegista deeqda lacageed ee dowladda Taiwan.

Waxa ay afhayeenku sheegtay inay dowladdoodu ka shaqaynayso sidii ay dowladaha Caalamku uga caawin lahaayeen Somaliland dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Guddiga heer Qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen oo qiimayn hordhac ah soo saaray, ayaa sheegay in dabku ka kacay Suuqu uu sababay khasaare gaadhaya $2 Bilyan.

Dowladda Taiwan ayaa si weyn uga qayb-qaadata taakulooyinka iyo gargaarka ay dalalka Caalamku siiyaan Somaliland tan iyo markii xidhiidh labada waddan si toos ah u taabbagalay sannadkii 2020-kii oo ay is-weydaarsadeen xafiisyo dublomasiyeed oo laga furay caasimadaha Hargeysa iyo Taipei.

Dowladda Taiwan, ayaa sidan oo kale uga qayb-qaadatay gurmadka Abaaro baahsan oo badhtmaha sannadkii hore ilaa horaantii sannadkan ku dhuftay Somaliland, waxaanay dowladda Taiwan ku wareejisay Xukuumadda lacag dhan Nus Milyan Dollar ($500,000).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories