HomeDowladda Sucuudiga oo Shuruud Laf-jab ah ku xidhay Dhoofka Xoolaha Somaliland

Dowladda Sucuudiga oo Shuruud Laf-jab ah ku xidhay Dhoofka Xoolaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md Xasan Gaafaadhi oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in warqad ay soo saartay dowladda Sucuudiga oo soo gaadhay xukuumadda Somaliland loogu soo gudbiyey shuruud hor leh oo ay ku xidhay Dhoofka Xoolaha xilliga Xajka ee sannadkan.

 

Waraaqda ka soo baxday Dowladda Sucuudiga ayaa sida wasiirku sheegay waxa ay dowladda Sucuudigu markii u horeysay ku wargelisay Xukuumadda in Xoolaha Xajka ee Sannadkan ka dhoofaya dekedda Berbera waraaqdiisa caafimaadka laga soo qaadanayo isla markaana ay bixinayso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo micnaheedu yahay inaanay jiri doonin xoolo ka dhoofi doona Dekedda Berbera oo aan haysan Ogolaanshiyo looga soo qaado magaalada Muqdisho.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in go’aanka dowladda Sucuudiga oo lama-filaan ku noqday ay ku lug leeyihiin waxa uu ku tilmaamay shaqsiyaad dillaaliin ah oo dhalasho ahaan isugu jira Somaliland, Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan marnaba yeeli doonin tallaabadaas, dhoofka xoolahana aanay oggolaanshiyo uga soo qaadan doonin Muqdisho, haddii dowladda Sucuudigu ka noqon weydana aanay jiri doonin xoolo ka dhoofa dekedda Berbera.

 

Wasiirku ma sheegin qorshe ay xukuumad ahaan xal ugu heli ugu raadinayaan go’aanka Sucuudiga oo ah Suuqa ugu weyn ee Xoolaha Somaliland, balse waxa uu carrabka ku dhuftay inay raadin doonaan suuq cusub oo Xoolaha loo iib-geeyo, in kasta oo aanu jirin suuq la mid ah Dalka Sucuudiga oo dabbooli kara Suuq-geynta Xoolaha Somaliland oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha dalka.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA IYO ARRIMO KALE OO UU WASIIRKU KA HADLAY, KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories