HomeDowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Dileen Abbaan-duulihii Kooxda Al-Shabaab, Bashiir Qoorgaab

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Dileen Abbaan-duulihii Kooxda Al-Shabaab, Bashiir Qoorgaab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Muqdisho (SLpost)- Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ay dileen Abaanduulihii Maleshiyaadka Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qoor-gaab.

Qoraal ay soo saareen Ciidanka Soomaaliya oo ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab lagu dilay duqeyn ay Ciidamada Maraykanku 22-kii February ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab uu sidoo kale ahaa madaxii howl-gallada Al-Shabaab ee Kenya iyo Xubin ka mid ah golaha fulinta Al-Shabaab, isla markaana mas’uul ka ahaa weerarada xeryaha ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dilka Bashiir Maxamed Qoorgaab ay ku suurta-gashay iskaaashi ay sameeyeen sirdoonkooda iyo ka taliska cidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM.

Ma jirto cid, si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadan, kooxda Al-Shabaab-na kama hadal arrinta. Taliska Maraykanka ee AFRICOM ma shaacin dilka Bashiir Qoorgaab, balse qoraal ay soo saareen 25-kii February, ayay ku sheegeen in duqayn ay fuliyeen 22-kii bishaas ay ku dileen hoggaamiye ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ay xilligaas baahiyeen AFRICOM.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories