HomeDowladda Soomaaliya oo saartay Go’aan u muuqda in lagu beegsanayo Murashaxiinta iyo...

Dowladda Soomaaliya oo saartay Go’aan u muuqda in lagu beegsanayo Murashaxiinta iyo Jawaabta Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aan u muuqda in lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta mucaaradka ee xilka madaxweynenimo kula loolamaysa madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartey qoraal ay ku xustey in aanan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lala geli karin wax hub ah.

blankWaxa ay wasaaraddu qoraalkeeda ku xustey in loo ogol yahay oo kaliya hubka in ay la galaan garoonka madaxweynaha dowlada federaalka, Raysal-wasaaraha, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka hor istaagaya madaxdii hore ee dalka soo martey iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha inay wax hub ah la galaan garoonka diyaaradaha.

Wasiirka Amniga ee dowlada Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aanka ay wasaaraddiisu soo saartay, waxaanu yidhi, “Adduunka ma jiro madaar lala galo dhishikayaal iyo qoryo. Meeshii ay ahayd inay muraayad u noqoto amaanka caasimada in hub lala galo maaha, amni darro ayuu sababi karaa oo dad baa kala shakiyi kara, ciidamada meesha soo galayaa isma yaqaanaan.”

“Markaa khatartaas ayaa cabashadeedu soo noq-noqotay. Maamulka madaarka ayaa dhowr jeer cabasho ka soo gudbiyey, markaa markii aanu isku noqonnay waxaanu isla qaadanay inay gali karaan dad gooban oo madaxda dowladda ah, sidaas ayaa la go’aamiyey,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Amniga ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxa go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Amniga dowlada federaalka Soomaaliya si adag uga hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caddaalad-darro ku tilmaamay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya oo la weydiiyey sida uu u arko go’aanka, waxa uu ku tilmaamay inuu yahay mid daba-socda culaysyo isa soo taraya oo sida uu sheegay ay dowladda Soomaaliya ku hayso murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

“Waxaanu u aragnaa wixii maalmahan ka socday magaalada daba-socda oo ah mid lagu beegsanayo murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo waa la ogyahay in dowladdu ciidamado dul-dhigaytay xaafadahayaga iyo xarumahayaga. Dhaq-dhaqaaqa magaaladu waa adag yahay, kulamada siyaasadeed lama qaban karo,” Sidaas waxa yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA maanta.

Waxa uu siyaasigu ku dooday inay go’aankan u arkaan caddaalad-darro iyo cadaadis lala beegsanayo maadaama oo dadkii la tartamayey oo uu uga jeedo Madaxweyne Farmaajo isaga loo oggolaaday hubka ciidamadiisa, isla markaana aanay jirin cid dammaanad qaadi karta ammaanka murashaxiinta kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories