HomeDowladda Soomaaliya oo duullaan cusub ku soo qaadday Iftiinka Horumarinta Qadiyadda Somaliland

Dowladda Soomaaliya oo duullaan cusub ku soo qaadday Iftiinka Horumarinta Qadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Waa Duullaan ay hor-kacayaan dano siyaasadeed oo u adeegaya gacmo-shisheeye oo liddi ku ah guulaha is-daba joogga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay oo sababay inay yeelato cadow badan, ha noqdaan kuwo gudaha dalka ku sugan oo ay majaraha u hayaan muwaadiniin Somaliland u dhashay oo la adeegsanayo iyo kuwo shisheeye oo Maskax iyo Maaliyadba ku bixiya duullaanka lagu hayo Somaliland.

blankWaxay adeegsanayaan xeelad kasta oo suurta-gal uga dhigi karta inay ku wiiqaan horumarka iyo guulaha shacabka Somaliland iyo dowladdooduba kasbadeen, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya ilaha wax-qabad ee muraayadda u ah horumarka siyaasadeed iyo midka bulsho  ee  Qaranku gaadhay.

Kooxaha isu bahaystay hagar-daamaynta horumarka, ammaanka iyo Guulaha Somaliland gaadhay oo ay qayb ka yihiin dowlado, kooxo iyo ururro ka duulaya dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxa duullaankooda qayb ka ah qaar lagaga soo horjeedo horumarka Somaliland ka samaysay xidhiidhada caalamiga ah ee ay beesha Caalamka la leedahay, kuwaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo muddo Afar sano iyo dheeraad ah oo uu xilka hayey ka badheedhay dagaallo siyaasadeed iyo qaar dhaqaale oo uu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.

blank

Marka laga yimaaddo dedaallada hay’adaha dowliga ah, ilaha muhiimka ah ee Shamaca u shiday qadiyadda Somaliland waxa safka hore kaga jira barnaamijka bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannad kasta ay ka soo qayb-galaan wufuud ka kala socota in ku dhaw 100 waddan iyo ururro caalami ah, kaas oo qayb libaax leh ka qaatay in magaca iyo Qadiyadda Somaliland si xawli ah ku gaadho guud ahaan caalamka.

Iyadoo laga shidaal-qaadanayo xaaladda siyaasadeed ee xilligan iyo tallaabooyin ay hore u qaadday dowladda Soomaaliya, asbaabaha kale ee horseedka ka ah mashruuca gundhigga u ah weerarrada  lagu hayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ay horkacayaan shaqsiyaad u dhashay Somaliland, balse u adeegaya gacmo-shisheeye, ayaa qayb ka ah qorshe maamulka Muqdisho doonayo inay ku wiiqdo sumcadda ay gobolka iyo caalamka ku yeelatay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo noqotay Xarunta ugu weyn Gobolka oo shaqadeedu tahay Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka, horumarinta iyo taabba-gelinta dhigaalka, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; faafita dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Afka Soomaaliga.

Dowladda Soomaaliya oo adeegsanaysa shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo ku abtirsada bahda Suugaanta iyo Dhaqan-yaqaanka, ayaa ujeeddada ay ka leedahay duullaanka ay ku soo qaadday Xarunta Dhaqanka Hargeysa tahay mid dariiqa loogu xaadhayo hirgelinta Akeedamiyad ka shaqaynaysa horumarinta Dhaqanka iyo Afka Soomaaliga oo bishii hore lagaga dhawaaqay Muqdisho, iyadoo la magacaabay Guddi ka kooban aqoonyahan ku xeel-dheer Afka Soomaaliya iyo qaar lagu tilmaamay inay yihiin dhaqan-yaqaan, kuwaas oo ay xubno ka yihiin shaqsiyaad reer Somaliland oo qaarkood xilligan qayb ka yihiin ama hoggaaminayaan dagaalka afka ah ee lagu  hayo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaana shaqsiyaadkan ka mid ah Abwaan Yuusuf-shaacir oo ka mid ah guddiga laga magacaabay Muqdisho, in kasta oo Abwaanku markii dambe ka cudur-daartay.

blankblankShaqsiyaadka xilligan qaybta ka ah duullaanka lagu hayo xarunta Dhaqanka Hargeysa, waxa hormuud ka ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowr jeer oo hore eedaymo ka shegay wax-qabadka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

blankHaseyeeshee, waxa muuqata inuu sannadkan si qaawan oo warbaahinta uga weeraray Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isagoo waliba dhaliilihiisa raacisay in xukuumadda Somaliland garab siinayso Xarunta. Tallaabadan ayaa daaha ka rogtay tuhunnadii laga qabay Kooxo isku xidhan oo qorshe ay ka midaysan yihiin ku bartilmaameedsanaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Mashruuca ceebaha iyo Dhaliilaha loogu raadinayo Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo dar-dargelintiisu sii xoogaysatay maalmo kaddib markii la soo af-meeray bandhigga 14aad ee Buugaagta Hargeysa, waxa qayb ka ah wadaaddo ka tirsan culimada magaalada Hargeysa oo si habaq-la’aan ah oo inaanay xog rasmi ah ka ogeyn qorshaha ka dambeeya iyo ujeeddada laga leeyahay uga hadlay arrintan. Culimadani ma sheegin sabab muuqata oo ay dhaliilahooda u daliishadeen.

Xubno ka mid ah bahda Qalinleyda iyo Suugaanta oo qalinka u qaatay sidii ay uga garsoori lahaayeen arrintan, ayaa hunguri iyo dhaqaale-doon ku micneeyey Dhaliilaha ay xarunta u jeediyeen Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) oo ay ku tilmaameen inay majaraha u hayaan olole ay dalka gudihiisa taageero uga baadi-doonayaan sidii loo curyaamin lahaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo madaxda qaranka Somaliland uga markhaati-kaceen kaalinta ay kaga jirto koboca qaddiyadda iyo horumarka Qaranimada Somaliland.

 

La soco qaybo kale oo xambaarsan xogo daaha ka feydaya mashaariic dowladda Soomaaliya maal-gelinayso oo ka dhan ah Duullaanka shamaciisa laga daaray gudaha dalka…………….

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories