HomeDowladda Somaliland Oo Ka Shir Ballaadhan Ka Yeelatay Nabadgelyada Laascaanood

Dowladda Somaliland Oo Ka Shir Ballaadhan Ka Yeelatay Nabadgelyada Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood baaqna loogu dirayo shacabka reer Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana si mug leh loogu falanqeeyey sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa magaalada Laascaanood.

Kulankan oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, iaugu yeedhay, islamarkaana ay kasoo qaybgaleen shirguddoonka golaha guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, , ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka reer Somaliland, ayaa lagu lafo guray sidii talo midaysan iyo afkaar waxtar leh looga geysan lahaa soo afjaridda dhibaaatada Laascaanood, talo midaysan oo Somaliland u dhantahayna loo soo saari lahaa.
Xubno kala duwan oo kamid ah haldoorka Bulshada ee munaasibadda lagu casuumay oo halkaas ka hadlay oo ay kamid yihiin maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, guddoomiyaha rugta Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, suldaan Aadan Suldaan Faarax, guddoomiyaha dalladda ay ku midoobeen dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha dalladda NAGAAD, Marwo Nafiisa Yuusuf Cismaan iyo sheekhal Beledka Boorama, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho shaqaaqada Laascaanood, iyaga oo tilmaamay inay Laascaanood tahay tiir muhiim u ah jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanoodna ugu baaqay inay kaalin muuqata ka qaataan dhammaystirka arrinta Laascaanood.

Siyaasi Maxamed Jaamac oo kamid ahaa xildhibaannadii golaha wakiillada ee hore oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey kulanka, ayaa reer Laascaanood ugu baaqay inay nabadda qiimaheeda fahmaan, waqtina geliyaan sidii loosoo celin lahaa horumarkii, ganacsigii iyo waxbarashadii ubadka reer Laascaanood oo haatan kala go’day, isaga oo xukuumaddana ku boorriyey inay sii waddo doorkeeda tudhaalaha leh ee ay gogosha nabadeed ku fidisay.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday qiimaha ay nabaddu leedahay, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay in wada-hadal iyo Isfahan buuxa lagu soo afjaro shaqaaqada Laascaanood, go’aanna ku gaadhay in gogol nabadeed lagu wada-hadlo.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud iyo talooyin badan kasoo jeediyey kulanka, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho dhibka Laascaanood, isaga oo xusay inay Laascaanood tahay udub-dhexaadka Somaliland, waxana uu yidhi,“Somaliland hore ugamay maarmin reer Sool, maanta kama maarmi karto, waana dad is dhalay oo aan meelna u kala kici karine aynu xalka wada raadino.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa Ugu horrayn muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad, waxana uu yidhi, “Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Laascaanood, madaxdooda iyo waxgaradkoodaba ugu baaqay inay nabadda iyo walaaltinimada bulshada ka shaqeeyaan, isaga oo ballanqaaday inuu dhiniciisa xil weyn iska saarayo sidii gogosha nabadda ee taalla looga soo saari lahaa qodobbo dhibaatada taagan loo Af-meera.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories