HomeDowladda Somaliland oo Joojisay Dal-ku-galka Dadka ka Imanaya Ethiopia, Digniina u dirtay...

Dowladda Somaliland oo Joojisay Dal-ku-galka Dadka ka Imanaya Ethiopia, Digniina u dirtay Muwaadiniinteeda ku nool Dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa joojisay Dal-ku-galka (Visa) la siin jiray Dadka ka imanaya Dalka Itoobiya, ka dib markii ay Dowladda Itoobiya maanta oo Jimce ah si rasmi ah u shaacisay in Kiiskii ugu horreeyey ee Caabuqa Coronavirus laga helay Qof ajaanib ah magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa shaacisay in qofkii u horreeyey dalkeeda laga helay Caabuqa Coronavirus, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Duqa Caasimadda Addis Ababa Takele Uma Banti, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Muwaaddin u dhashay dalka Japan oo ku nool Addis Ababa laga helay Caabuqan dhaliya cudurka Covid-19.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook maanta, waxa uu kaga hadlay tallaabada ay qaadayaan iyo waxay kula talinayaan Dadka Reer Somaliland ee Itoobiya ku nool.

“Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka COVID-19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya-na ay dadka farayso in la raaco.”

“Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha) dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiir Ku-xigeenka Dowladda Somaliland ee Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa ah dalka koowaad ee xidhiidhka ugu badani ka dhexeeyo Somaliland, iyadoo shacabka labada Dal si aad ah isugu socdo, iyadoo ganacsi badan Somaliland uga yimaaddo Itoobiya, sida khudaarta iyo Qaadka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories