HomeDowladda Qatar oo Raashin Mucaawimo Soo Gaadhsiisay Somaliland

Dowladda Qatar oo Raashin Mucaawimo Soo Gaadhsiisay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Qatar ayaa raashin mucaawimo oo loogu tala-galay Qoysaska danyarta ah ee tabaaloobay masiibada Suuqa Waaheen iyo Abaaraha ka jira Dalka.

blankRaashinka Deeqda ah oo dowladda Qatar oo gaadhaya 45 Tan looguna talo-galay 750 Qoys oo ay saamaysay masiibada Suuqa Waaheen iyo Abaarta dalka ka jirta, waxa dalka soo gaadhsiiyey Sanduuqa Horumarinta ee Dowladda Qatar, sida ay warbaahinta Somalilandpost ka soo xigatay The Peninsula oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Qatar.

Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta ee Qatar Khalifa Al Kuwari ayaa warbaahinta The Peninsula u sheegay in raashinkani yahay gurmad deg-deg ah oo ay ugu talo-galeen qoysaska danyarta ah ee Somaliland.

blank“Kaalmadan deg-degga ahi waxa ay ku soo beegantay in ay door muhiim ah ka qaadato sidii loo dhimi lahaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ku habsatay dadka dhibaataysan iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan ka dib markii uu dab qabsaday suuqa weyn ee caasimadda Hargeysa dhawaan, kaas oo saamayn ku yeeshay dhinaca sugnaanta cuntada, marka laga reebo abaarihii ku dhuftay gobolka,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Qatar Fund for Development.

blank
Weftiga Safiirka Qatar ee shalay soo gaadhay Somaliland

Raashinka Mucaawada ah ayaa la socday weftiga Safiirka Dowladda Qatar ee shalay soo gaadhay Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Guddiga heer Qaran ee Gurmadka masiibada Suuqa Waaheen, ayaa weftiga safiirka ku soo dhaweeyey dalka shalay, waxaana la geeyey suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay.

blank
Weftiga Safiirka Qatar ee shalay soo gaadhay Somaliland

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka weftiga shalay, safiirka dalka Qatar wuxuu indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories